JABUUTI OO SHEEGTAY INAY GACANTA KU DHIGTAY DAROOGADA KOOKAYN OO DALKEEDA SI TUUGO AH LOO SOO GALIYE

 

JABUUTI – Booliska Jabuuti ayaa sheegay in la qabtay 500-kg oo ah maandooriyaha kookaynta oo daqiiq ah dalka lagu soo galiyey. Daroogada oo ka timid dalka Brazil soona martay dalka Spain ayaa ah tii ugu badnayd abid taarrikhda ee Jabuuti lagu qabto.

Sarkaal u hadlay xukuumada,Djibouti oo lagu magacaabo Maki Cumar, ayaa sheegay in daroogada la qabtay lagu qiimeeyey 10  milyan oo lacagta Euro-ga ah. Maandooriyaha ayaa lagu qabtay dekada Jabuuti ka dib markii laga shikiyeey habka iyo farsamadda lagu  soo agaasimay iyo sida Hall looga sii kireyeey magaalada Djibouti.

Warbixinta laguma faafin in dad lagu qabtay daroogada iyo in kale.

Dekada Jabuuti ayaa ka mid ah kuwa ugu mashquulka iyo Horumarka badan Geeska Afrika islamarkaana xarun u ah ciidamo ka kala socda wadamo fara badan oo shisheeye ah oo dalka saldhigyo  iyo dana kala duwan ku leh dalka Djibouti