Xisbiga Wadani Oo Xukuumada Ugu Baaqay Inay Ruqsada Kala Noqoto Shirkado Ajinabi Oo Xaaluf Bad iyo Bariba leh Ku Haya Gobolka Selel

 

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaridka Ah ee Wadani ee gobolka Salal Md. Farxaan Maxamed Yuusuf ayaa markale ka dayriyay xaalad uu ku sifeeyay xaalaf sii xoogaystay oo dhinaca bariga iyo badaba ah oo ka taagan gobolka Salal, xaalufkaas oo ay xukuumadu masuuliyadeeda leedahay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Gudoomiye Farxaan oo shabakada kula soo xidhiidhay khadka Taleefanka ayaa ugu horayn naqdiyay xaaluf dhinaca bariga ah oo ka taagan degaanka Toqoshi waxana uu yidhi “Toqoshi waxa ka socda xaalufin dhinaca macdaantii uu dalkani lahaa ah, waxa maalin walba ka soo gudba xadka tobanaan baabuur oo waawayn kuwaas oo daldasha carada qaniga ah ee dalkeena oo ay xukuumadu ku badalatay lacag jaban oo qadaadiic ah, isla markaana dalka dibadiisa loo waaridaa, waxa kale oo intan ka sii daran in shaqada ka samaysantay xaalufintaas sharci darada ah gabi ahaanteedba gacanta loo galiyay dad ajinabi ah oo aan haba yaraatee wax cashuur ah bixin, waxana ay tani ku tusaysaa in xukuumada Kulmiye ay maalmahii ugu dambaysay taliskeeda ujeesatay in dhibcaha dhiiga ah ee ku hadhay bulshadan reer Salal ee dulman ay nuugto, si ay uga fara qabsatay”

Gudoomiye Farxaan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Xaaluf kan la mid ah ama ka daran oo sii xoogaystay uu ka taagan yahay dhinaca bada waxana uu yidhi ‘Doonyo waawayn oo jaraaf ah oo laga leeyay dalal shisheeye ayaa habeen iyo maalin ku jira xeebahii Saylac, waxa ay guranayaan khayraadkeenii bada, waxa intan ka sii daran in ay badii uga dhananeeyeen kaluumaysatdii maxaliga ahayd, eek u noolayd khayaadka bada, waxana ay maalmo dhaw maraakiibtaas ajibani sababi doonaan in dad badan oo noloshoodu ku tiirsanayd dhinaca bada ay ka soo bara kacaan degaanadoodii sababta oo ah, kaluunkii ay soo daban jireen waxa la burbuirinayaa xitaa shacaabigii uu ku noolaa, badiina hirtood ayaa la xaalufiyay”

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaridka Ah ee Wadani ee gobolka Salal Md. Farxaan ayaa arintan waxa uu masuuliyadeeda dusha uga tuuray Wasiiro ka tirsan xukuumada iyo koox kale oo gobolka Salal ku sugan oo uu ku tilmaamay gacan ku samays waasida uu hadalka u dhigaye waxana uu yidhi “ Wasiirka wasaaradaha Kaluumaysiga iyo Dhigiisa Wasaarada Macdanta iyo Khayraadka ayaa ka masuul ah isla markaana bixiyay ruqsadaha kooxahaas aninabiga ah la siiyay e bari iyo badba dalkii ka xaalufinaya, waxana aan meesha ka maqnayn in qorshahan ruqsada lagu siiyay ay la ogtahay Wasiirada Maaliyada oo iyadu arinta ka eegatay oo kaliya dhinaca maaliyad kooban oo ka soo gasha, waxana qorshayaashaas fulintooda loo igmaday isla markaana tooshka u ah kooxahaas xaalufka wada waa Masuuliyiinta heer degmo heer gobol iyo kuwa wasaarada maaliyada ee gobolka Salal, oo ah madaxdii la rabay in ay umadan u hadasho oo daryeesho, waxase ay noqdeen kuwo iyagiiba horsed ka ah dulmiga lagu hayo dadkii, dalkii iyo deegaankii gobolka Salal”

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaridka Ah ee Wadani ee gobolka Salal Md. Farxaan Maxamed Yuusuf ayaa ugu dambayntii xukuumada ugu baaqay in arintan xaalufka ah eeuu tilmaamay in uu sii laba-jibaarmayo ay wax ka qabato, waxana uu yidhi “Madaxwayne Siilaayo waxa aan leeyahay waa adiga masuulka ay dadku doorteen ee loo baahan yahay in uu saxo gafaf-ka laga galay dalka iyo dadkaba, waxana aan kuugu baaqaynaa in aan la xisaabtanto madaxdii aad dooratay eek u takrifalaysa awoodii qaran ee aad u dhiibtay, xilkoodiina manta ka doorbidaya in ay hanta urursadaan, dhiiga dadkana xalaashaan, kuwaas oo manta ku sifoobay Ma-Naxayayaasha shaadhka dawladeed xidhan.