Dawladda Jarmalka oo Lagu Dacweeyey in ay Diiday Bixinta Mag-dhawga Xasuuq Ciidankeedu Gaystay Qarni ka Hor

 

Dawladda Jarmalka ayaa lagu dacweeyey xasuuq la hilmaamay oo ay u geysatay qoomiyada Namibiya 1900 aadkii oo hadda laga joogo hal qarni, kaasoo dhegta dhiigga loogu daray 100,000 Namibiyaan ah, gaar ahaan qoomiyadda Harero iyo Nama.

Qoomiyadahan waxa ciidda hoose mariyey oo tirtiray ciidammadii guumaysataha Jarmalka horraantii 1900 aadkii, kaasoo loogu talagalay in lagu cidhib-tiro qoomiyadahan si aan cidhib dambe looga arkin.

Dawladda Jarmalka ayaa dhawaan raalligelin ka bixisay xasuuqaas, waxayna u aqoonsatay dhulkii falkaa ka dhacay inuu galay taariikhda dambiyada, iyadoo aan waddamada Yurub laga xusin amma aan qof ka soo hadal qaadin xasuuqaas, balse haweenayda hoggaamisa Jarmalka ee la yidhaah Angela Maerkel ayaa sheegtay in aanay macnaha raalligelinteedu ahayn in ay bixinayaan mag-dhawga xasuuqaas arxan darrada ah.

“Su’aasha taagan ee ah in ay jirayso mag-dhaw iyo cawaaqib sharci, midna maaha arrintaasi. Raalligelintu ma samaynayso wax raad ah oo ku saabsan taariikhda iyo siday u dhacday,” ayey tidhi Sawsan Chebli oo ah Afhayeenka Merkel, taasoo la hadlaysay sannadkii hore weriyayaasha.

Tafiirtii ay ka tageen qoomiyadaha Harero iyo Nama oo ku nool dalka hadda loo yaqaan Namibiya ee qaaradda Afrika, ayaa dacwad u gudbiyey Maxkamad ku taala Maraykanka si ay u raadsadaan mag-dhawgooda.

Dawladda Jermalka oo diiday in ay iska difaacdo dacwadaas, ayaa si toos ah u shaacisay in aanay wax mag-dhaw ah arrintaas ka siinayn qooysaskii dhibbannayaasha ka ahaa xasuuqaas, xataa haddii dacwada lagu helo.

“Ma jiro ballanqaad ah oo ku saabsan in caawimada dibada ee Jarmalku bixiyo ay gaadhi doonaan amma lagu caawin doonaan, dadka tirada yare e ka hadhay dadkii dhibbaatada la gaadhsiiyey,” ayuu yidhi Qareen Ken McCallion oo ku hawlan inuu dacwadaas ka difaaco Jarmalka.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jarmalka oo la yidhaa Martin Shcaefer, ayaa sheegay Jimcihii toddobaadkan in xukuumadda Berlin ay aqbasho in xasuuq dhacay, labada dawladoodna ay ka wada hadleen muddo laba sannadood ah sida arrintaas la isula meel dhigi lahaa qeexitaankiida, falalkaa dambi ee dhacayna tallaabo looga qaadan lahaa.

Dawladda Jarmalka, ayaa dalka Namibiya hore u siin jirtay caawimo aad u badan.

Haddaba, xasuuqan ayaa dhacay 1904 ilaa 1908, kadib markii qoomiyadaha Heroro iyo Nama ka hor yimaadeen Jarmalka oo waqtigaas guumaysanayey Namibiya oo la odhan jiray Koonfur/Gableed Afrika.

Xasuuqaaq waxa lagu cidhib tiray ku dhawaad 100,000  (boqol kun) oo Herero ah iyo tiro ku dhaw 100,00 Nama ah oo si toos ah oo badheedha ciidammada Jarmalku u xasuuqeen. Waxa hoggaaminayey ciidammadaas nin la odhan jiray Lothar von Trotha, waxaannu amar ku siiyey ciidammadiisa in ay tirtiraan qoomiyadahaas si aanay dunida ugu sii noolaan qarniga 20aad, taasoo noqotay taariikhda xasuuqii ugu horreeyey ee qarniga 20aad dhaca.

Geesta kale Dawlada Jarmalku waxay safka hore kaaga jirta wadama fara badan oo reer galbeed ah oo Dalka Turkiga ku cadaadiya in u xasuus ba,aan u geystay qowmiyada Armeeniya ee ku nool dalka yar Armeeniya ee ku yaal qaarada Yurub oo sida la sheego sannadihii 1918 kii ay dawlada Cusmaaniyada Turkigu xasuuqday taas oo ay dawlada Turkiguna ku gacan sayday.