Daawo Sawirada :Lacag badan oo lagu daadiyay mid ka mid ah Wabiyada Yurub mara & Cid sheegata oo la waayay

Lacag aad u fara badan cadadkeedana lagu sheegay 130-000 oo Euro (Boqol iyo Sodon kun oo Euro ) ayaa lagu daadiyay mid ka mid ah Wabiyada mara qaarada Yurub balse waxaa la yaab noqotay Booliiska oo wali naadinaya ama baadi goobaya cidii leheed lacagtaas .

Wabiga lagu magacaabo DONAU kaas oo dhex mara magaalada Vienna ee caasimada dalka Austria ayaa waxaa laga helay lacagtaan mudo dhoor bilood ah ka hor balse baaritaan dheer oo ay sameeyeen ciidamada Booliiska ayaa waxaa wali la la´yahay qofkii lahaa lacagtaan .

Lacagtaan ayaa u eg mid la soo dhacay ama si ula kas ah loogu soo daadiyay Wabiga dhex mara magaalada Vienna . Booliiska dalka Austria oo lacagtaan qalajiyay ama waray ayaa iminka waxeey naadinayaan cidii leheed ama laga soo dhacay .