Khilaaf ka taagan doorashada xubnaha aqalka sare ee matalaya gobolada waqooyi

January 15 (XeerNews24)— Murun iyo khilaaf xoogan ayaa ka taagan dhameystirka xubnaha aqalka sare u matalaya deegaanada gobolada waqooyi ee dalka Soomaaliya.

Jaamac Xasan Qaalib, guddoomiyaha guddiga doorashada xubnaha Soomaliland(Waqooyi Galbeed) matalaya ayaa sheegay in khilaafka uu ka dhashay Doorashada iyo musharixiinta xildhibaanada aqalka sare u matalaya Soomaliland.

Jaamac Xasan, ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii loo dhameyn lahaa khilaafka oo ku saleysan musharixiinta xildhibaanada matalaya gobolka sanaag, sida uu sheegay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in khilaafka ugu daran uu ka yimid sidii loo qeybsan lahaa shanta kursi ee ka hadhsan aqalka sare.

Wuxuu sheegay in beelaha kasoo jeeda deegaanada Soomaliland ee xubnaha ka helay aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya inay doonayaan inay markale xubno ku yeeshaan aqalka sare, taasi oo murunka ugu weyn keentay.

Doorashadaasi ayaa la filayaa inay magaalada Muqdisho ka bilaabato marka la dhameeyo khilaafka hadda taagan