Wax La Yidhi:Qaybiye Ama Qad Ama Wada Qaaday

 

Waxaan raba inaan ka Hadlo qoondada la siiyay Soomaaliland ee
xubnaha aqalka sare ee la filayo in la soo dhamaystiro dhawaan.
Qoonndada la siiyay Soomaaliland waa kow iyo toban xubnood,(11)sida
loogu qaybiyay beelaha dega Soomaaliland ayaa ah mid qaldan,sida
aniga ila tahay;waana sidan;
-Beesha Isaaq,waxa ay qaateen shan kursi,
-Qabiilka Daaroodna wax ay qaateen seddex kursi,
-Qabiilka Samaroona
wuxuu qaatay laba kursi,
-Qabiiladda Ciise iyo Fiqishini waxa ay qaateen
min hal kursi.Haseyeeshee,su’aasha meesha ku jirti,waxa ay tahay ma sax baa in
marna beel ahaan wax lagu qaybsado,marna qabiil ahaan wax lagu
qabsado?.Soomaalidu mar waa qabiilo,marna waa beello,bil metel Isaaq.
Guud ahaan waa qabiil,Daarood waa qabiil, Ciise waa qabiil,Samaroon
waa qabiil Sidas awgeed,wax ay ahayd in kuraasta aqalka sare,lagu
qaybsado qabiilnimo oo kaliya,ee ma ahayn inay beesha Isaaq ku qadato
shan kursi beello ahaan(beesha habar jeclo hal kursi,beesha Ciidagale
hal kursi,beesha habar yoonsi hal kursi,beesha habarawal hal kursi,
beesha arrab hal kursi), sidasna qabiilka Isaaq ku helo shan kursi.
Qabiiladda kale ee Daarood,Ciise,iyo Samaroona,wax loo xisaabay sidii
ay yihiin beello ee ayna ahayn qabiillo oo siday ku heleen min hal kursi,
waxa ay  ka mid tahay caddaalad darrada ka jirta somalida dhexdeedda ee ka reebay addunyadda.

.

Qore:H.M.Warsame