Sawiro Sida Magaalooyinka loogu dhex dagaalamo oo la baray Ciidan ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

 

Waxaa shalay tababar mudo u socday Ciidamo katirsan Milatariga Dowlada Soomaaliya loogu soo gabo gabeeyay Xerada tababarka General Dhegabadan ee Ex-Jazeera oo ku taalla duleedka magaalada Muqdisho.

Tababarkan la siinayay ciidanka Milatariga Soomaaliya waxaa maal galinayay Midowga Yurub waxaana ciidanka Milatariga Soomaaliya la barayay sida loogu dagaalamo dhulka iyo sida looga hortago miinooyinka dhulka lagu aaso.

Saraakiisha Ciidanka Milatariga ayaa sheegay in Ciidankan tababarka la siiyay ay si fiican uga faa’iideesteen casharadii ay qaateen, waxaana Ciidanka ay kamid noqonayaan ciidanka Dowlada ee la howl galinayo.

Ciidanka Tababarka loo soo xiray ayaa ugu dambeyn munaasabad lagu qabtay Xerada Gen Dhago Badan lagu gudoonsiiyay Shahaadooyin, waxaan Munnaasabada goob joog ka ahaa Abaanduulaha Ciidamka Xooga Soomaaliyeed iyo saraakiil kale.