Diyaarad laga leeyahay dalka Turkiga oo ku burburtay dalka Kyrgyzstan (Sawiro)

 

January 16 (XeerNews24)

Diyaarad xamuul ah oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa ku burburtay dalka Kyrgyzstan, waxayna diyaarada kasoo duushay Hong Kong.

Diyaarada oo nooceedu yahay Boeing 747 ayaa ku burburtay guryo ku yaala meel ku dhow garoonka diyaaradaha ee Manas oo 25 Km u jira magaalada Bishkek ee caasimada dalka Kyrgyzstan.

Ku dhawaad 15 guri ayaa ku burburay shilka diyaaradda, waxaana la sheegayaa in tiro caruur ah ku jiraan dadka ku dhintay shilka diyaaradeed, oo gaadhaaya ilaa 32 ruux.

“Waxaan tacsideena la wadaageynaa dadka ehelkooda ku waayay shilka diyaaradeed ee ka dhacay Kyrgyzstan”ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay shirkada duulimaad ee  dalka Turkiga.

Sawiro laga soo qaaday burburka diyaarada ayaa muujinaya iyada oo dab iyo qiiq uu ka baxayo, waxaana burburay guryo badan oo ay ku dul dhacday.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in mid kamid ah shaqaalaha diyaarada uu ka badbaaday shilka diyaaradeed, waxaana diyaarada la socday ugu yaraan afar ruux, sida masuuliyiinta dowladda u hadashay ay sheegayaan.

Tiro dad ah oo dhaawacyo ay soo gaadheen ayaa waxaa la dhigay xarumaha caafimaadka.

 

 

turkey 1 turki