Wasaaradi Hargeysa ee Mu Bahdilka ku Ahayd reer Saylac oo waax kale laga sii Faliidhay

Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Oo Wasiirka  Dhaqanka Ku Wareejisay Waax Laga Gooyay | XeerNew24

Wasiirka  cusub  ee   Wasaaradda   Dhaqanka  iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Md.  Khadar  Xaaji  Yuusuf,     ayaa   si rasmi ah ula  wareegay    waaxda Dalxiiska oo hore uga tirsanayd  Wasaaradda Dhallinyarada    iyo Ciyaaraha.

Xaflad loo sameeyay xil-wareejinta waaxdaas oo    maanta   lagu   qabtay    xarunta    wasaarada dhallinyarada  iyo ciyaaraha, waxa   ka   soo qaybgalay   Wasiirka    Dhallinyarada iyo Ciyaaraha,  Wasiirka wasaaradda dalxiiska iyo dhaqanka Wasiir ku xigeennada Wasaaradaha Dhllinyarada iyo  Dhaqanka,   Wasiiru-dawlaha  Ganacsiga,  siyaasiyiin iyo dadweyne kale.
Wasiirka  Wasaaradda Dhaqanka, Khadar Xaaji Yuusuf oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in si daacad ah  ula shaqayn doono shaqaalaha wasaaradda, isla markaana uu soo dhaweynayo  cid kasta  oo leh aqoonta  dalxiiska,  “Waxa  aan balan-qaadayaa  dadka ila shaqaynaya  inaan si  daacadnimo ah aan ula  shaqeyn  doono.  cidna fogayn maayo,  cidna  soo  dhawaysan  maayo. waxa  wanaagsan  in  la noqdo  dad  isku   xidhan  oo  daacad-nimo ku wada shaqeeya.

Waxaanu gacmo furan ku soo dhawayn doonaa shaqaalaha cusub   iyo dadka aan shaqaalaha ahayn ee aqoonta u leh   cilmiga   Dalxiiiska,waanu wada shaqayn doonaa  wasaaraduna noqon  mayso  wasaarad qof kaliya   u xidhan     ee waxa ay noqon doontaa Wasaarad ballaadhan oo  dadka aqoonta lihi  ay  hagi doonaan.   Aqoontoodana   aan ka faa’iidaysan doono,”ayuu yidhi Wasiirka Dalxiisku.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray;  “Waxaannu   u yeedhi doonaa  oo kullamo u qaban doonaa cis kasta  daneysa   Dalxiiska, Aataarta,  iyo Dhaqanka,    tallooyinka ay soo jeediyaanna waan qaadan doonaa.”

Wasiirka  Dhallinyarada   iyo Ciyaaraha Md.   Cabdrisaaq   Waaberi Rooble,   oo isguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiisku  tahay mid dalku u baahnaa,waxaannu  tilmaamay in uu diyaar u yahay in wixii talooyinna uu siiyo Wasiirka wasaaradaas, “Wasaaradda   Dhaqanka iyo Dalxiisku   waa wasaarad loo baahan yahay madaxweynuhuna wuu asiibay magacaabiseeda. Waxaa   hoos  yimaada   Dalxiiska  Huteelada    waawayn.

Waxaa   loo   baahan yahay in la baadi doono  hawshaasi  waxa ay u taalaa wasaaradda cusub  iyo waaxyaheeda kala duwan, sidii halkaa uga sii wadi lahaayeen,wixii talooyinna   ee  aanu hayno  diyaar  ayaanu u nahay  waanan idinla  garab joogaynaa. Waxaan  wareejinayaa shaqaalihii  waaxda Dalxiiska  oo tiroodu  tahay 50 qof,”ayuu yidhi Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu.

Wasiir ku-xigeenka Ciyaaraha  Mr.   Cabdirashiid  Ismaaciil  Kaahin  oo isaguna  halkaasi ka hadlay ayaa xusay  in uu ku faraxsan yahay in waaxdii Dalxiiska noqoto wasaarad madaxbannaan,waxaanu yidhi, “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay  in waaxdii Dalxiisku ay noqoto  wasaarad madaxbannaan.  Dalxiisku waa meel  wax soo-saar,waxay noqon doontaa meel wax la  taaban karo uu  ka soo bixi doono wasaaradaasi,rageediinna waa joogaan,  siyaasadii dalxiiska  iyadoo gacanta lagu hayo  qoritaankeedii ayaa  la   magacaabay   Wasaaradan.”

Sidoo kalena,  waxa  madashaas ka hadlay La-taliyaha   Madaxweynaha Somaliland   ee arrimaha Doorashooyinka,  Cabdilaahi  Cabdi  Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan) iyo siyaasiga  Maxamed  Axmed  Caalin  (Tiimbaro), waxaanay sheegeen in wasaaradan cusubi ahayd mid dalku baahi weyn u qabay, waxaanay madaxweynaha ku bogaadiyeen hirgelinta wasaaradaas.