Markii Labaad ee Qalaad ku Saabsan Siyaasadda ka dhaco Soomaaliya.

 

Sida la wadda ogyahay qalaadkii ugu horreeyay ee xaga siyaasadda
ee dhacay wuxuu ahaa  markii koonfurta Soomaalia oo u ay dawladdii
si gobonimo-gaadhsiin ah u maamulaysay.iyada qarmada midowbayna  kor
ka ilaalinaysay,iyo gobolkii waqooyi ee loo yiqiin British Soomaaliland
ama Soomaaliland protectorate, isku biireen kowdii bishii toddobad(july)
1960kii,iyada oo aan aysan jirin wax heshiis ah oo ku saabsan awood-qay-
bsiga.
Heshiis la’aantas aanan lagu heshiinin sida loo qaybsanayo awoodda
maamulka xaga dhismaha xukuumadda iyo jagooyinka sarsare ee madaxda
ciidamadda qalaabka sida,taasoo markiiba shacabkii goboladda waqooyi
dareemeen inay awoodii dawladnimo dhinac kaliya noqotay. Haddii aan
dib ugu yara noqdo,waxaa heshiis  la’aanta keenay,umaaddii Soomaaliyeed
ee goboladda waqooyi,waxaa kaliya ay rebeen wax ay ahayd in la isku
keenno shantii Soomaaliyeed,ee kama fikiraynin awood-qaybsi iyo way la
mida. Hase yeeshee nuddo aan sidas u sii dheerayn kadib,waxa la ogaaday
dhibaatadda ay leedahay awood- qaybsi la’aanta ka jirta dawladda dhexdeedda.
Arintasina,waxa ay la timidi in niman dhalinyaro ahaa oo kasoo qali jebiyey
Academiyada saraakiisha ciidamadda lagu tababaro ee arliga Ingriiska,oo
u hormood u ahaa L/xidgle Xasaan Cabdille Walanwal,isku dayeen in goboladda
waqooyi ka gooyaan koonfurta,si ay Soomaaliland u noqoto dawlad ka madax banan
koonfurta.  Isku daygaasi wuu fashilmay,saababta oo ahayd saraakiisha dhalinyarta ahaa ayna ogaysiinin arinta askarti iyo saraakiil-xigeenadii
ay madaxda u ahayeen,sidas awgeedna,iyagii uun la qabqabtay aakhirkii,isku daygoodina fashilmay,askarti iyo saraakiil-xigeenadii fashliyayna la wada dallacsiiyey.Isku daygaas ay saraakiishu sameyeen dhiig kuma daadan.

Sikastaba ha ahaatee saraakiishii dhalinyarta ahaa,ee isku dayey inay Soomaaliland ka
gooyaan koonfurt Soomaalia,laguma oogin dambigii ay galeen ee ahaa in lagu
oogo,hase yeeshee,waxaa lagu dhammeeyey xeerjabjab,waayo,waqtigas diyaar ma ahayn sharciga loo yaqaan Marshal law ee lagu oogo  saraakiiha
afgembidda dawlad Dimoqoraati ah oo shacabku soo doorteen.Ha ahaatee
saraakiisha dhalinyarta ahaa,dib looguma celinin ciidamaddii,ee waxaa
lagu meleeyey wasaaradihii kale.
Arimuuhu,waxay sidas ahaadamba,waxa la soo gaadhay sanadkii 1969kii,oo la soo dooranayey golihii sharcidejinta oo ka koobana 123 xubnood,(33 xubnood oo goboladda waqooyi ah iyo 90 ahaa goboladda koonfureed).Doorshadas,waxa  .
u tartamyey xisbiyo kor u dhaafayay dhawr iyo lixdan,aqalibaddi kuraasta
Barlamaanka waxaa heley xisbigii la odhan jiray SYL(Somali youth league)
ee ahaa xisbixaakimka ahaa,waxaana dhacday wax isdaba marin badan iyo dad
badan oo ku dhintay,waana tii sobobtay in la dilo madaxweynihii dalka,
Cabdirashiid Cali Sharmarke,isaga oo buuqasho ku maraya goboladda dalka,
Askari ka mid ahaa ilaaladisii ku toogtay magaaladda Laascanood ee gobolka
Sool,bishii Octoobar 1969kii.
Dhacdooyinkas,waxa ay soo dedejiyeen,afgembigii ay militarigu sameeyeen
21kii isla bishas.Afgembigaasi sidii u ku dhashay,iyo sidas dad b badani
ka aaminsanayeen,waxaa u dhexeeyey faraq weyn.Raggii ka tirsana golihii
sare ee kacaanka ahaa ee ahaa 25 xubnood,intooda badan iska daa inay
ka qayb galeen afgembigee,warba kama haynin,ee subaxnimadii dambe ee bishu
22kii Octoobar umba guryooda laga soo qaaday oo loogu geeyey Moxamaed
Siyad Barre iyo Col.Salaad Gayeyre Kediye oo fadhiya xurontii ciidamadda,
loona sheegay inuu dalafgembi ka dhacay,iyaguna ka mid yihiin golaha sare
ee kacaanka.
Shacabkii somaliyeed,aad bay u soo dhaweeyeen afgembiga,waa ayna u riyaaqeen.Rajiimkii militariga ahaa,waxa ay ku dhaqaaqeen inay olole ku
qaadeen masuq maasuqii,iyo hantidii qaranka ee ahaa qaataye qaado,iyo inay
qarmeeyeen dhamaan wixii ka baxsana gacant daladda,waxaa kale oo ay ku
dhaqaaqeen wax la odhan jiray krash brograam oo ku saabsana wax soo
saarka beeraha.
La soco qaybaha dambe.
Qore: H.M.Warsame.