Milicsiga Sooyaalka iyo Manfaca Tareenka isku Xidha dalalka JABUUTI IYO ITOOBIYA u leeyahay Geeska Afrika

 

Furitaanka tareenka korontada ku socda ee casriya kii afrika ugu horeeyey
Qalinkii/ mudane Saleemaan Axmed Geedi(mandela)
L/H BOORAMA/TEL/0634456000.
 Dhabada tareenka ee isku xidha itoobiya iyo jabuuuti waxaa ugu
horayntii la goglay sannadkii 1917kii ama u dhamaaday waqtigaa labada
dal waxay lahaayeen laba muuqaal dawladeed oo kala duwan.
Dalka jamhuuriyada jabuuti waagaas waxaa ka talin jiray gumaysigii
faransiiska waxaana la odhan jiray xeebta soomaaliyeed ee faransiisku
gumaysto ,halka itoobiya ka ahayd dawlada keliya ee afrikada madow
xor ah ama aan la gumaysan, waqtigaas waxaa itoobiya ka talin jiray
boqor MENELIK 2, waqtigaas waxaa itoobiya u qabsoomay waxyaabo badan
oo ay ka mid yihiin inay itoobiya u fido ama u balaadhato ama
maamulkeeda dawladnimo gaadho koonfurta iyo bariga dalweynaha
itoobiya,waqtigaas menelik waxaa loo soo raray caasimada ama xarunta
maamulka magaalada ADDIS ABEBA oo hada ah caasimada itoobiya waxaa la
sheegay in goobta ay addis abeba ku taalo afka OROMADA loo yaqaano
FINFINE, waxaa goobtaas ku yaalo il ama illo ay ka soo burqadaan biyo
kulul oo afka amxaariga loo yaqaano fuluu woohaa , waxaana la sheegay
in haweenaydii aw qabay boqor menelik oo la odhan jiray  TAITU oo
qabtay  xanuunka lafaha ku dhaca ama roomatiisam ay ku maydhatay
biyahaas kulul waxaana la sheegay inay caafimaad ka dareentay taasina
ku dhiirisay inay waqti siiso isku daawaynta biyahaasi kulul,waxaa la
yidhi boqorad TAITU iyadaa kula talisay saygeeda boqor menelik inay
xarun maamul iyo deganaansho ka dhigtaan goobtaas finfine la odhan
jiray waxaana la yidhi iyada ayaa u bixisay  magaca ADDIS ABEBA  oo ka
dhigan afka amxaariga UBUXII CUSBAA magaalada cusub.
Imashadii addis abeba(ex finfine) waxay soo kordhisay maamulkii
itoobiya  la jaanqaadida ilbaxnimadii iyo isbedeladii geyiga ka
socday.
RAS mekonen, Tafere Mekonen( boqor xayle salaase) aabihii ayaa
qabsaday magaalada caanka ah, ama qadiimiga ah ee HARAR, taasina waxay
keentay inay hanjabaad u arkaan gumaystayaashii reer yurub ee ka ag
dhowaa, taasina waxay keentay inay xidhiidh dhow la yeeshaan
gumaysigii ingiriiska oo koonfurta yemen (aden) iyo  somaliland joogay
 iyo faransiiska oo jabuuti deganaa.
Dhabada tareenku waxay kamid ahayd mashaariicdii dhex maray
boqortooyadii itoobiya iyo faransiiska si ay itoobiya oo aan
badlahayni dibadana wax ugu dhoofiso waxna ugula soo degto.
Maamuladii kala danbeeyey ee itoobiya waxaa haystay dhibaatooyin
dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin  isfahan la’aan ka  dhex taagnayd
qoomiyadaha kala duwan ee dalkaasi wada dega iyo colaad ka dhex
onkoday dalalka ay itoobiya jaarka yihiin ee soomaaliya iyo suudaan,
itoobiya waxay waqtigaas tahli wayday inay taako dhulkeeda ah  ka
fuliso wax horumar ah,dhabada tareenku waxaa ku dhacay dib u dhac
dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin casriyn la’aan iyo dhabo xumo.
Tan iyo intii aw yimiday isbedelka lama araga ah ee ay  hogaaminaysay
jabhada EPRDF rubuc qarni hortii  maamulka itoobiya, waxaa timiday
dabayl caafimaad itoobiya way hagaagtay dhamaan qoomiyadihii is
haystay waxay ku wada naaloodaan dastuurka federaalka iyo dawlad
degaamada itoobiya.
Dhinaca kale dhamaan dalalkii ay itoobiya colaabeen way wada
heshiiyeen waxaa timiday in itoobiyadii ay colka ahaayeen suudaan
maanta dalagyo ka beerato dalkaasi, halka somaliland oo aan la
aqoonsani ay dhex marto ganacsiga ugu badan ee itoobiya dibada u
dhoofiso oo dhan 764 milyan oo doolar,oo iskugu jira qaadka, khudrada,
adeegyada waxbarashada, caafimaadka iyo diyaaradaha ee ethiopian
airliness, in ka badan 20,000 (labaatan kun) oo qof oo reer somaliland
ah ayaa  itoobiya u tega sannadkii  arrimo caafimaad, dhoofid iyo
deganaansho.
Somaliland waa hormuudka degaamada soomaalidu degto ee cadaawadii
itoobiya saaxiibnimo iyo walaalnimo degdeg ugu rogay.waxay keentay
kalsoonidaasi in itoobiya safaarad ka furato somaliland oo aan la
aqaansan.
Dawladii madaxweyne Rayaale waxay ahayd midii seeska u dhigtay
isfahanka itoobiya iyo somaliland isla markaana horumarisay, aad ayaan
uga xumahay in xidhiidhkii labada dal oo  widhwidhaayey waqtigii
rayaale si tartiib tartiiba  u sii  shiiqaayo inta ay dawlada kulmiye
xukunka timiday.
Dhinaca kale jabuuti waxaa ka taliya madaxweyne da’a yar oo maskax
fiican isla markaana horumarka geyiga geeska afrika iyo ka dalkiisaba
jecel,tan iyo intii aw xukunka yimiday sannadkii 1996kii madaxweyne
Ismaciil cumar geele wuxuu suura galiyey iskaashi dhinacyo badan oo
jabuuti dunida la yeelatay, itoobiya waa saaxiibka ama wadnaha ganacsi
ee dekeda jabuuti, sannadadan ugu danbeeyey waxaa kor u sii kacaayey
adeegyada iyo agabka itoobiya u socda waqti dhow waxay labad dal kala
saxeexdeen mashuura dhoofinta gaaska itoobiya ee dekeda DAMEER JOOG,
iyo midkan furida tareenka casriga  oo ah midkii ugu horeeyey afrika,
wuxuu u socon doonaa 7 saacadood addis abeba iyo jabuuti waxaanu
daabuli doonaa in ka badan 3000 tan maalintii.
  mashaariicda labada ah (dhoofinta gaaska iyo tareenka casriga)
horumarineed waa maalgashiyada dawlada shiinaha oo baryahan danbe
tartan ba’an kula jirta maalgashiyadii reer galbeed.
Ugu danbayn tareenka casriga ahi wuxuu kor u qaadi doonaa isdhexgalka
bulshada ku nool geeska afrika