Xiis iyo Maydh waa laga soo Eryaday Bulaxaar iyo Barbarna looma ogola

 

Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Lughaya Mud. Xasan Maxamed Dhinbiil Wabar ayaa ka dayriyay xaalufka ba’an ee sii xoogaystay oo ay maraakiibta shisheeye ku hayaan xeebaha degmada Lughaya, xaalufkaas oo uu Maayar Ku Xigeenku tilmaamay in ay Wasaarada iyo Wasiirka Kalluumaysiga oo ruqsada maraakiibtaas Jaraafka ah ay ku soo galeen xeebahaas bixiyay ay leeyihiin masuuliyada masiibada ka socoda bada Lughaya, sidana waxa uu gudoomiye ku xigeenku sheegay mar uu shabakada kula soo xidhiidhay khadka taleefanka isaga oo ku sugan Magaalada Lughaya.

“Xeebaha Lughaya waxa ka socda xaalufin dhinaca kalluumaysiga ah iyo khayraadka badda ah,
waxaana maalin walba ku soo badanaya Doonyo waawayn iyo Maraakiib Jaraaf ah oo laga leeyay dalal shisheeye kuwaas oo habeen iyo maalin ku jira xeebtii Lughaya, Maraakiibtaas Jaraafka ah waxa ay guranayaan khayraadkeenii badda, waxa taa ka sii daran in ay baddii uga dhananeeyeen kaluumaysatdii maxaliga ahayd, ee ku noolayd khayaadka badda, waxanan wada ognahay in badda la xaalufinayaa ay tahay tan Gobolada Awdal iyo Selel oo kaliya, waxana muuqata in xeebaha Maydh iyo Xiis ay amni ahaan uga soo yaacayaan maraakiibtaasi, sidoo kale ay Buluxaar iyo Berbera-na laga soo eryay oo loodiiday in ay ka jaraaftaan maraakiibtaasi, balse masiibadu ay ku habsatay xeebaha gobolka Awdal/Salal oo ay xukuumadu u furtay in ay ka Jaraaftaan maraakiibtaasi, xaaluf ba’ana ay ku hayaan badaasi” ayuu yidhi G/Ku Xig. Dhimbiil

Maayar ku xigeenka Lughaya oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxaanu maqalnay in xukuumadu joojisay maraakiibtii iyo doonyihii Jaraafka ahaa hadana waxaad arkaysaa iyaga oo badwayntii inta ay ka yimaadeen xeebtii ay kaluumaysatada maxaliga ahaa ka kaluumaysanayeen ku sugan oo xaaluin wada, waad aragtaan si sawirka ka muuqata doonta waxay joogtaa xeebta oo dooxii magaalada Lughaya dhexmarayay halkii uu kaga darayay bada ayay timid waxay u timidna waanu iska garanaynaa oo kalluunka ayaa biyaha macaan ee roobka ayuu soo doontaa si ay kalluunkii ay gaadhi wayday ay halkan uga hesho, waa nasiib daro oo sharci qabanayaa ayaana jirin.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa waxa uu arintaas ku tilmaamay mid masiibo ah, waxana uu masuuliyadeeda dusha u saaray Wasiirka iyo Wasaarada Kaluumaysiga, isaga oo markaasi madaxda sare ee dalkana ugu baaqay in ay arintaas wax ka qabtaan

Si ksataba ha ahaatee, cabashooyinka ka imanaya xeebaha gobolka Awdal/Salal ee ka dhanka ah xaalufka badda ka socda iyo maraakiibta Jaraafka ah waa mid isa soo taraya marba marka ka dambaysa, waxana gabi ahaanba ay cabashooyinkaas bulshada ku dhaqan xeebuhu yihiin kuwo aanan ku dhicin dhagaha masuuliyiinta ugu saraysa ee loo baahnaa in ay arimahan wax ka qabtaan.

Bili Bili