Waa qaybti labaad qalalaadkii siyaasadeed ee soo maray Soomaalia
Sida runta ahaana,ilaa tobaneyaddii sane ee Hore,ee kacaanku dalka Soomaaliya
maamulayay,Soomaalia waxaa lagu tirinayay dalalka Afrikana ahaa ee isbedel dhaqan-dhaqaale.iyo siyaasadeedba ku talaabsaday,iyada oo Soomaalia noqotay dalkii ugu tageero badna ururadii gobonimo-doonka ahaa ee dagaalka kula jiray dalalkii ku sii hadhay gacamaha gumaysiga, ee ay mid ahayd jabhaddii la odhan jiray jahadda xoraynta xeebta Soomaalida ee fransiisku gumaysto ee ay Hogaanka u hayeen Cadulaahi Ardeeye Cabane iyo Aadan Rooble Cawaale,iyaga oo u kala dambeeyey.Hase yeeshee, waxaa iska muuqatay inay dawladdii kacanka ahayd iyo,madaydii jabhadda kula duwanayeen sida ay noqonayso Jabuuti marka la xorreeyo, gumaysiga Fransiiska taasoo madaxda jabhaddu ku doodayeen inaysan iyago go’nin karin masiirka ummadda Jabuuti,iyo meesha ay aadi doonan,hasa ahaatee,madaxdii dawladdii kacaanku waxa ay door bidayeen inay iyagu samayn weyn ku yeeshan majaraha siyaasadda jabhadda,isman dhaafkasina waa kii keenay in Mr.Aadan Rooble Cawaale jeelka loo taxaabo. Hadaba maxaa dhacay tobaneyaddii sane ee dambe ee xukunkii kacaanka laga soo bilaabo 1977dii,in dardarti iyo wax qabadkii hoos u dhaceen sobobo badan awgood,oo ay mid ahayd madaxddii midowgii Sufyeeti oo ku dhalilayay inayna dawladda kacaankii hantiwadaaga Soomaalidu,si ficcan u hirgelinin ama ay daacad u ahayn, sidas darteena ayba jeclaysteen in madaxddii qaarkood lagu beddelo,rag dhalinyara ahaa,oo muddo dheer wax ku baranayay dalka Ruushka,maskaxdana looga soo buuxiyay nidamka hantiwadaaga,in loo dhiibo hogaanka Xisbiga hantiwadaaga kacaanka Soomaaliyeed(Somali socialist revulionary party)iyo golihii dhex oo u kula qaybsamay dagaalkii lagu qaadayay Itoobiya,iyo in labada jago ee madaxweynaha dalka iyo xughayaha Xisbiga hantiwadaaga kacaanka Soomaaliyeed oo markas labada jagaba u isku haystay Moxamed Siyad. Arintaasi wax ay keentay,inuu Moxamed siyad Barre waxa uu u qaatay in isaga loogu inqilabayo ,sidas darteedna waxa jeelka lagu guray rag badan oo ka mid ahaa golaha dhexe ee Xisbiga hantiwadaaga kacaanka Soomaaliyeed,rag ka mida ahaa dhalinyarti Ruusku doonayay in hogaanka Xisbiga lagu wareejiyo,ayaa la laayay,kuwaas oo anan doonayn inaan magacooda sheego. La soco qaybaha dambe. Qore:H.M.Warsamw |