Guddoonka Baarlamaanka oo casho sharaf u sameeyay Xildhibaanada labada Aqal

 

 

Janaury 20 (XeerNews24)

Guddoonka Baarlamaanka Feederaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Xildhibaanada labada Aqal, waxaana munaasabada casha sharafta goob joog ka ahaa Guddoomiye Jawaari iyo Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey.

Munaasabadda casho sharafta ah oo ka dhacday xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaa kasoo qeybgalay inta badan Xildhibaannada Baarlamaanka Feederaalka Soomaaliya oo la isku yidhaahdo labada aqal ee kala ah Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ,wasiirro, howlwadeennada Baarlamaanka, fanaaniin iyo marti sharaf kale.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Feederaalka Soomaaliya ayaa munaasabadda ka jeediyey khudbado ku aadan xaaladda uu Baarlamaankan ku shaqo bilaabay iyo shaqooyinka ay ka dhowrayaan umadda Soomaaliyeed waxaana khudbadaha ay ka turjumayeen khibradda Xildhibaannada Baarlamaanka mudada fog kusoo jiray iyo Xildhibaannada Golaha ku cusub ee u badan dhalinyarada kuwaasi oo helay fursad ay dalkooda ugu adeegi karaan.

Munaasabadda intii ay socotay waxaa suugaan wadani ah oo u badan guubaabo kusoo bandhigay fanaaniinta kooxda deegaan oo ka tirsan Wasaaradda Kalluumeeysiga ayadoo ay cashadan noqoneyso munaasabaddii ugu horeysay ee Guddoonka la doortay ay u sameeyaan Xildhibaannada doortay.

jawari-casho jawari-casho1 jawari-casho3 jawari-casho4 jawari-casho5 jawari-casho6 jawari-casho7