Sawiro 75 Ruux oo ku dhimatay Daar dab Qabsaday oo ku soo Duntay Caasimada Dalka iiraan”

 

Caasimadda dalka Iran ee Tehran ayaa waxaa maanta ka dhacday musiibo galaafatay nolosha ku dhawaad 75 ruux, inta la ogyahay, oo u badan dab-damiyaal kaddib markii daar dheer oo 17 dabaq ah ay soo duntay taas oo horay uu dab uga kacay.

Dadka ku nafwaayay musiibadaasi ayaa waxaa u badan, sida ay dowladdu xaqiijisay dab-damiyayaal howl ka dhex hayay daarta oo kusoo duntay.

Daarta duntay ayaa waxaa lagu magacaabay Plasco, waxaana ay ku taal badhtamaha Magaalada Tehran.

Ma cadda wali waxa sababay dabkan oo gebi ahaanba dhulka dhigay daarta, waxyeelana gaadhsiisay daaraha deriska la ah.