Xildhibaan Cabdi Xaashi oo loo doortay gudoomiyaha Aqalka Sare.
Xildhibaan Cabdi xaashi Cabdullaahi ayaa ku guuleystay doorashada gudoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya.
Xildhibaanada codeeyay ayaa 52-xubnood ahaa. Xildhibaan cabdi xaashi wuxuu helay 43 ka mid ah codadkii la dhiibtay, halka xildhibaanka la tartamaayay ee Mustaf Qodax na uu helay sagaal cod oo keli ah.

Codeynta oo saaka dhacday waxaa lagu qabtay xarunta Aqalka sare ee Soomaaliya ee magaalada muqdisho.

Waxaa loo gudbayaa dhowaan in la doorto gudoomiye ku xigeenada Aqalka Sare.

Muqdisho dhowaan waxaa lagu qabtay doorashada gudoomiyaha golaha shacabka iyo ku xigeenadiisa.
Marka ay soo gaba gaboobaan doorashooyiinkan waxaa la filayaa in loo gudbo midda Madaxweynaha oo musharrixiin badan ay u tartamayaan.

Xarunta Aqalka Sare ee cusub ayaa ah dhismo dhowaan la dhisay oo loogu talagalay in gabdhaha ay ku bartaan farsamada Gacanta.
Balse, Halkan waxay fariisin u noqon doontaa golaha Sanetka ee Soomaaliya si ku meel gaar ah, waxayna ka guuri doonaan marka meel loo dhiso.