Donald Trump oo sheegay in uu Joojinayo Kulanka Mexico Hadii ay diidaan Lacagta Darbiga Lagu dhisayo

 

Madaxweynaha Cusub ee Dalka Mareykanka Donald Trump Ayaa Maanta oo Qamiis ah Hadal uu jeediyay ku sheegay in uu joojinayo Kulanka soo socda ee Mexico iyo Mareykanka hadii Dowlada Maxico ay joojiso Darbiga ama Dayrka wayn ee ay ka dhisayaan Xadka labada Dal ay wadaagaan,

Darbiga Ayaa qorshihiisa Waxaa uu ahaa in Mareykanka iyo Maxico ay bixiyaan Lacagta dhaqaalaha ee lagu dhisayo si looga gudbo Qul Qulka Qaxootiga ee xadkaasi kasoo gudbo,

Xukuumada Maxico ayaa Shalay sheegtay in ay Wax Dhaqaala ah ku bixineyn Xadkaasi laga dhisayo labada dal kaasi oo ay ku tilmaameen mid sharci daro ah oo aan loo Bahnayn wakhtigan xaadirga ah,

Laakin hadalka Trump ka soo yeedhay ayaa arintaasi dab xoogan ku shiday goor dhow isagoo sheegay in Kulanka soo socda la Hakindoono kaasi oo lagu wado in uu ka dhaco Magaalada Washington.