Waa Qaybti labaad iyo qalalaadkii siyaasadeed ee Soomaalia.

Sida runta ahaana,ilaa tobaneyaddii sane ee Hore,ee kacaanku dalka
maamulayay,Soomaalia waxaa lagu tirinayay dalalka Afrikana ahaa ee
isbedel dhaqan-dhaqaale.iyo siyaasadeedba ku talaabsaday,iyada oo
Soomalaia noqotay dalkii ugu tageero badna ururadii gobonimo-doonka
ahaa ee dagaalka kula jiray dalalkii ku sii hadhay gacamaha gumaysga,
ee ay mid ahayd jabhaddii la odhan jiray jahadda xoraynta xeebta
Soomaalida ee fransiisku gumaysto ee ay Hogaanka u hayeen Cadulaahi Ardeeye
Cabane iyo Aadan Rooble Cawaale,iyaga oo u kala dambeeyey.Hase yeeshee,
waxaa iska muuqatay inay dawladdii kacanka ahayd iyo,madaxdii jabhadda
kula duwanayeen sida ay noqonayso Jabuuti marka la xorreeyo,  gumaysiga
Fransiiska taasoo madaxda jabhaddu ku doodayeen inaysan iyago go’aamin, karin masiirka ummadda reer jabuti,iyo meesha ay aadi doonan,hasa ahaatee,madaxdii dawladdii kacanku waxa ay door bidayeen inay samayn ku heeshaan
masiirka ummadda Jabuuti,iyo meesha ay aadi doonan,hasa ahaatee,madaxdii
dawladdii kacaanku waxa ay door bidayeen inay iyagu samayn weyn ku yeeshan majaraha siyaasadda jabhada,isman dhaafkasina waa kii keenay
in Mr.Aadan Rooble Cawaale jeelka loo taxaabo.

Hadda,waxaan si toos ah u gudda galaya waxyaabihii dhacay tobankii sane
ee u dambeeyey xukunkii kacanka laga soo bilaabo 1977dii.Waxaa khilaaf
ka dhex dilaacay golihii dhexe ee Xisbigii hantiwadaaga kacaanka s/liyeed oo xubno ka mid ahaa golaha soo jeediyeen in la kala saaro
jagadda madaxweynaha iyo xughaya Xisbiga H/W/K/ somaliyeed,arintas oo
madaxdii midowga Sufyeedna dambada ka riixayeen,waayo Ruushku waa ay
dhaliilsanayeen sida Somalia u hirgelinayn nidamka hantwadaaga ah,sida
Itoobiya iyo Yemantii konfureed u hirgeliyeen,wuxuuna doonayay in hogaanka xisbiga loo dhiibo rag dhinlinyara ahaa,oo wax ku soo bartay
Ruushka,madaxana looga soo buuxiyey nidamka hantiwaaga.

Hase yeeshee arimahas oo dhan madaxweyne Moxamed Siyad Barre wuxuu arkay inay yihiin inqilaaba isaga lagu ridayo, ragi indisahas soo jeediyana
waxaa loo  dhaadhiciyey jeelkii qarsoodiga ahaa ee Lanta Buur ragii
dhilinyarta ahaa ee Ruushku doonayay in hogaanka Xisbiga loo dhiibana
qaar ka mid ahaa waxaa lagu sheegaysan jiray in la laayay.,

Macaaridadii lagaga horjeeday,taliskii kacaanka ahaa,wuxuu xoogaystay
markii lagu hongoobay dagaalkii lagu qaaday Itoobiya ee si aan habonayn
dib uga soo gurteen ciidamaddii somalida agagii dagaalka,markay ciidamadii Warsaw la soo safteen Itoobiya,waxaana ugu sii xannuun badanayd markii,saraakiil sarsare iyo askar badan intii si kale wax
loogu sheegay oo meel la iskugu keenay la xasuuqay,sida la sheegayna
looga jeeday in cashar u noqoto,ciidamadda oo laga baqayay inay afgembi
ku ridan kacaanka.Arintas aad iyo baa looga xumaaday,waana tii sobobtay
inqilaab la isku dayey,hase yeeshee inqilaabkasi wuu fashilmay,saraak-
iishii inqilaabka iaku dayeyna qaar ka mid ahaa waa la laayay,qaar kalena waxa ay magangeliyo weydiisteen dalalka jaarka ah,waxaana aar-
gudash lagula kacay beeshii ay ka soo jeedeen saraakiishii afgembiga
isku dayey,aargugashadas xitaa gaadhay in ciidamo loo diro degaanaydii
ay beeshasi deganayeen,ceelashii iyo barkedihii ay biyuhu ugu jireen
laga aaso.Beeshasi iyada oo ka fal celinayo,cadowtoyadas,waxa ay
sameeyeen jabhaddii ugu horaysay oo la odhan jiray SSDF(Somali salvation
democartic front) hogaamiyena ka ahaa Cabdulaahi Yusuf Axmad,saldhgeeduna ahaa Itoobiya.jabhadas iyo ciidamo Itoobiyan ah oo ay
horsocotay,waxaa ay soo galeen degaano ka mid goboladda dhexe ee Soomaalia
.hase yeeshee,waa laga saaray.Jabhadas aakhirkii waa ay baabaday,markii ay dawladii kacanka ahayd xooga saartay sidii khilaaf looga dhex abuuri
lahaa.

dhalinyara ahaa,oo muddo dheer wax ku baranayay dalka Ruushka,maskaxdana
looga soo buuxiyay nidamka hantiwadaaga,in loo dhiibo hogaanka Xisbiga
hantiwadaaga kacaanka Soomaaliyeed(Somali socialist revulionary party)iyo
golihii dhex oo u kula qaybsamay dagaalkii lagu qaadayay Itoobiya,iyo
in labada jogo ee madaxweynaha dalka iyo xughayaha Xisbiga hantiwadaaga
kacaanka Soomaaliyeed oo markas labada jogoba u isku haystay Moxamed Siyad.Arintaasi,wax ay keentay,inuu Moxamad Siyad Barre u qaatay in
isaga lagu inqilabayo oo kaliy,sida awgeedna,waxaa jeelka lagu guray
rag badan oo ka mid ahaa gplihii dhexe ee xsibiga H/K/Soomaliyeed,ragii
dhalinyarta ahaa ee madaxdii Midowga Sufyeet doonayeen in hogaanka
xisbiga loo dhibana qaar waa la laayaya.
Qalalaadkii ugu waa weyna,ee sobobbta u noqday burburka somaliya wuxuu
bilaamay markii 1989kii,jabhaddihii ahaa SNM,UNC iyo SPM,dagaal middaysan kusoo qaadeen taliskii Siyad Barre,kuna qasbay inuu isaqga
iyo kuwii u ku sheegi jiray xukuumadiisa ka yaacaan Mogadishu:Hase
yeeshee,kadib maxaa dhacay? Markii horeba jabhaduhu,ma lahayn,siyaasad
cad oo ay ku heshiiyeen,oo ku saabsanayd sida ay u maamuli doonan iyo
mabda’a siyaasadeed ee ay qaadan doanan,markay la wareegan xukunka.
Waxaa qumanayd,sida adduunyadda ka dhacda marka xukun xoog lagu beddelo
in marka hore la sameeyo waxa afka qalaad lagu yidhahdo Charter oo ka
dhigan dastuur meel-ku-qaadh ah,lana dhiso xukuumad meel-ku-qaadh ah.
hase ahaatee arintu waxaa Farah ka haaday,markay qolo la magac baxday
manifesto group,oo ka koobnayd xukumadihii hore ee kacanku afgembiyay
ay Mogadishu kaga dhawaaqeen inuu Cali Mahadi Moxamad yahay madaxweynaha
baddelay Siyad Barre,Cali Mahdii Moxamadna R/Wasaare u magcaabay Cumar
Carte Qaalib.Taasi waxa ay keentay i Jabhadii UNC ee hogaaminayay General Caydiid iyo xukumaddi u madaxweynaha ka ahaa Cali Mahdi ay ku
dagaalamaan Mogadishu.
Dagaalka lagu dagaalamayay kuma koobnayn General Caydiid iyo Cali Mahdii
ee waxa kale abuurmay dhawr urur oo kale oo ay hogaminayeen rag la magac
baxay War Lords(micnuhuna yahay kuwa ka tanjiray dagaalka)
Wabilaahi Towfiiq

Soo Ururiinti iyo isku Dabaridkii:
H.M.Warsame