Kacdoon Shacab oo lagu Diidan yahay Siyaasada Maraykanka oo Dalkaasi ka Bilowday

 

Shacabka dalka Mareykanka ayaa isugu soo baxay banaanka garoomo kuyaala dalka Mareykanka, waxa ayna shacabka si weyn uga soo horjeedaan Sharciga cusub uu saxiixay Madaxweyne Donald Trump uu ku xanibay dadka ka imaanaya 7-dal oo Muslimiin ah.

Dadka banaan baxa dhigayay ayaa ugu horey isugu soo baxay garoonka diyaaradaha John F. Kennedy International Airport , waxaa sidoo kale banaan baxa uu kusii fiday Garoomo kale oo kuyaala dalka Mareykanka.

Banaan baxayaasha ayaa kasoo horjeeday dad Ciraaqiyiin ah oo lagu xanibay garoonka John F. Kennedy International Airport, waxa ayna dadku dalbanayeen in Madaxweynaha uu ka laabto go’aanka xayiraada kusoo saarayo dadka gaarka ah.

Dadka banaan baxa dhigayay ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin Ereyo ay kaga soo horjeedaan Madaxweynaha Mareykanka iyo Ereyo kale ay ku dalbanayaan in dib loola noqdo xayiraada dhinaca socdaalka uu Madaxweynuhu saxiixay

Madaxweynaha Cusub ee dalka Mareykanka ayaa si KMG ah u hakiyay dadka ka imaanaya Todobo wadan oo ah kuwa Muslimiinta ku badan yihiin, waxaana dalalkaasi qaxootiga ka socda horey loogu qaabili jiray dalka Mareykanka.