Weerar Argagixiso oo lagu Qaaday Masaajid ku yaala Magaalada Quebec ee dalka Canada.

 

Kooxo hubeesan ayaa weerar ku qaaday masjid kuyaala magaalada Quebec ee dalka Kanada, waxaan weerarkaasi ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida goob joogayaal ku warameen

Inta la xaqiijiyay 6-qof oo kamid ahaa jameecadii Masjidka ku sugneed ayaa ku dhimatay weerarka rasaasta loo adeegsaday ee lagu qaaday Masjidka, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay sideed qof oo kale.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in Sadex ruux hubeesan ay rasaas ku fureen Masjidka oo xiligaasi la sheegay in ay ku sugnaayeen dad gaaraya 40-qof, kooxaha weerarka geestay ayaana halkaasi isaga baxsaday.

Ciidamada booliiska magaalada Quebec ayaa labo qof u xiray weerarkan oo dhacay xalay , waxa ay sidoo kale ciidanka booliiska baadi goob ugu jiraan dad kale oo la tuhmayo in weerarka Masjidka lagu qaaday ku lug lahaayeen.

Muslimiinta kunool magaalada Quebec ee dalka Kanada ayaa waxaa lasoo darsay cabsi xogan oo ka dhalatay weerarka lagu qaaday Masjidka ay ku cibaadeesanayeen, mana jiro faah faahino dheeraad ah oo booliiska iyo Dowlada ka bixisay weerarkan.