Alshabaab oo soo bandhigay sawirada dagaalkii Kulbiyo(Sawiro)

 

 

January 31(XeerNews24)

Mid ka mid ah shabakadaha warbaahinta taageerta ururka Alshabaab ayaa soo bandhigtey sawiro ku saabsan dagaalkii dhowaan ka dhacay saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Kulbiyow ee Jubbada Hoose.
War Saxaafadeed la socday Sawiradan oo ay soo saartay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas loogu magacdaray Sheekh Maxamed Dulyadeyn oo ahaa mid ka mid ah hogaamiyaasha Alshabab oo lagu diley gobolka Jubbada Hoose.
Weerarkan ayaa ururka Alshabaab waxa uu ku sheegtay in ay ku dileen ciidamo Kenyan ah oo tiradoodu gaareyso 67 askari.
Weerarka lagu qaaday aroortii hore ee Jimcihii aynu ka soo gudubnay saldhiga ciidamada Kenya ay ku lahaayeen waxaa ku dhintey guddoomiyihii deegaanka Kulbiyow Maxamed Tooxyare Nuux.

Halkan ka daawo qaar ka mid ah sawirada uu soo bandhigay Alshabaab