Guddoomiyaha Midowga Afrika oo loo doortay Moussa Mahamat Faki

 

 

January 30 (XeerNews24)

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ayaa loo doortay Moussa Mahamat Faki oo u dhashay dalka Chad kadib markii uu ka guuleystey Wasiirka Arrimaha Dibbada ee dalka Kenya Amina Mohamed.
Moussa Faki ayaa wareeggii siddeedaad ku guuleystey kadib doorasho adag oo ka dhacday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Dowlada Kenya ayaa waxa ay dadaal xoog leh bilihii la soo dhaafay ugu jirtey inay Amina Mohamed oo ka soo jeeda Soomaalida Kenya ay noqoto qofkii ugu horeeyay ee Kenyan ah oo xilkaas qabta.

Hase yeeshee wadamada ku hadla afka Faransiiska ayaa si xoog leh u dagaalamay doorashadan iyagoo diiday in wadamada uu Ingiriisku gumeystey ay kursigaan ku fariistaan.

Moussa Faki oo dhashay 1960kii ayaa ka soo qabtay dalkiisa xilal badan waxana uu ahaa ra’iisal wasaaraha dalka Chad  2003- 2005. Faki, ayaa sidoo kale waxa uu ahaa Wasiirka Arrimah Dibada tan iyo sanadkii  2008.