Hashu Geella ayada cunaysay,hadana iyada cabaadaysa.
Bismilaahi Raxmaanaraxiim,
waa hal ku dheg,loo adeegsado,marka la
arkao qof wax u isagu isku gaystay,hadana ka xumaanaya,bilmatal,ama Tusaal ahaan qof baa intuu bir qaaday meel jidhkiisa ka mida ku dhaawacay,isla markaasna ka cabadaya xunnunka ka soo gaadhay. Arintas waxaa la mid ah madaxda dalalka gaamuray ee loo yaqaan reer galbeedka ee ku dhaqma nidamaka loo yaqaan DIMOCRATIKA ah,waxa ay ka seexddeen inay u hiiliyaan sidii u dunida oo dhan uga hirgeli lahaa. Waa la ogyahay in dalalka lagu tilmaamo dunida SEDDEXAAD,intooda badan ka gaabiyeen ku dhqanka nidamka dimocratika ah,taasina ay keento dagaalo ahli ah,sobobna u noqday qulqulka qaxootiga ku soo qulqulaya dalalkooda ee ay ka qaylinayaan. Awood ayay u leeyhiin,inay reer galbeedku,si dadban iyo si toosaba waxa uga qabtaan,kuwa xukunka isku dhejiya ee aanan Kaba degayn,iyaga oo adeegsada arimo badan sida laaluush,kala qaybin shacabka,xabis aan sharci ahayn iyo ku dhaqan wax kasta oo u suurtagelinaya inuu ku sii fadhiyo kursiga. Haddii aysan sidas yeelayn,waa inay oglaadan ququlka dadka mandangeliyo doonka ah ee ku soo qulqulaya dalalkood. Qore:H.M.Warsame. |