SITTI DIB U GURASHO MOOYE DIB U CURASHO MAY HELIN

 

DIB U GURASHO

Sitti iyo dadkeeguba
Dib u gurasho mooyee
Dib u curasho may arag
Daryeel caafimaadiyo
Dugsiyada waxbarashee
Daafaha aduunyada
Dadku uu u simanyahay
May helin dadkeedii
Xaruumaha degaaneed
Darbi leecay mooyee
Dabaq laguma sheegayn
Iyo daara dhaadheer
Xilka darajadiisiyo
Saraakiisha doorka ah
Dahaadh liita mooyee
Deeq buuxda may helin
Siduubuu dadkeegii
Diiftii abaartiyo
Dacdarada la jiifaa
Sidii buu dadkeegii
Nin dilaala mooyee
Nin daweeya uu helin
Sidii baa darkoogii
Dacaw iyo dugaagiyo
Dalxow loogu horayaa
Sidii baa duqaydiyo
Da’yartay lahaayeen
Dabar loogu xidhayaa
Sidii baa durmaankii
Dushood looga tumayaa
Sidii baa dantoodiyo
Duruuftooda gaarka ah
Laga daahayaayoo
Cidi ay danaynayn
Hadal laguma daalee
Waxay doodu leedahay
Deel caanaheedii
Raggaa doobigeedii
Kaligood daldalayee
Danbarkeeda maalee
Ii diir naxaynow
Dunidiyo ayaamuhu
Darandoori weeyee
Doqoniimo yeelkaa.

Waa gaaxdii : Diirane Caroog