Gudoomiya Xisbiga Wadani Ee Gobolka Selel Oo Naqdiyay Talaabooyin Sixir Bararka Lagula Tacaalayay Oo kasoo Yeedhay Madaxda Gobolkaasi.

 

Gudoomiyaha xisbiga wadani ee gobolka Selel mud. Farxaan Maxamed Yuusuf ayaa faan iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay baahiyeen madaxda gobolkaasi, wararkaas oo ay ku sheegeen inay meelmariyeen go’aankii uu Madaxwayne siilaanyo kula tacaalayay sixir bararka aafeeyay dhamaan shacabka denyarta ee ku nool gobolada Somaliland.

Gudoomiyaha ayaa ku eedeeyay wasaarada maaliyada ee gobolkaasi inay qayb ka tahay sixir bararka islamarkaasina ay dad iyo duunyaba ay ku canshuurto lacagata qalaad sida doolarka iyo Franka Jabuuti waxana uu yidhi “Gobolkan Selel markii hore waxaa ragaadiyay musuq maasuq iyo nin jeclaysi maantana waxaa ugu biirtay sixir barar markaasaanu Shalayna aanu arkayay maamulka gobolka Selel iyo wasaarda maaliyada ee Saylac oo ku faanaya inay digreetadii madaxwaynha dhaqan galiyeen oo ay leeyihiin lacagtii dalka ayaan wax ku canshuuraynaa nafdoooda ayay been u sheegeen, isla shalay ayaa dadkii ka imanayay dhinaca Jabuuti lagu canshuurayay lacagaha Doolar iyo Fran-ka waa ladiiday dadkii lacagta Somaliland sitay inay xadka ka talaaban oo waxaa lagu lahaa soo badasha lacagaha aad sidataan,markaa sixirbararkaba waxaa qayb ka ah Wasaarada maaliyada Gobolka Selel oo dhaqan galin wayday digreetadii madaxwayne Siilaanyo”

Gudoomiye Farxaan oo soo bandhigay waqadaha juwanka ee dadka lagu canshuuray ayaa shaqaalaha wasaarada maaliyada ku tilmaamay kuwo dhiigmiirata ah islamaraasina aan u naxayn bulshada reer Somaliland ee la tabaalaysan abaaraha iyo sixirbararka

Gudoomiye Farxaan ayaa ugu debayntii baaq u diray madaxwayne siilaanyo waxuuna yidhi “Madaxwayne waxaad tahay nin dhaqaaalaha wax ka yaqaana waad garanaysaa waxyaabaha keena sixir bararka waxba ayayna ku warwareegin Zaad iyo Iidahab ee madaxwayne waxaan kuugu baaqayaa inaad wax ka qabato masuuliyinta xukuumadaada ka tirsan ee abuuraya sixir bararka ee ay kaw ka tahay wasaarada maaliyada oo iyadu had iyo jeer wax ku canshuurta lacagaha qalaad”