Ruushka Oo Bilaabey Ol’ole Joogto Ah Oo Uu Ku Jabsanayo Kombiyuutarada ,iyo Dalalka Reer Galbeed Oo Sida Fiinta Ugu Qeyliyey Ujeedka Ruushku Ka Leeyahay

 
London (XeerNews24)

Ruushka ayaa qaadaya ol’ole joogto ah oo uu ku jabsanayo
kombiyuutarada isaga oo bartilmaameedsanaya dimuqraadiyadda iyo kaabeyaasha kale ee muhiimka ah ee Yurub, sida uu ka digayo wasiirka difaaca ee Britain, Sir Michael Fallon.

Ruushka ayaa „hub ahaan u adeegsanaya xog been ah“ isaga oo doonaya in uu ballaadhiyo galaangalkiisa oo uu burburiyo dawladaha reer Galbeedka uuna wiiqo xulafada Nato, ayuu yidhi wasiirku.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa noqday mid „istaraatiijiyad kula tartamaya“ reer Galbeedka

Sir Michael ayaa sheegay in ay aad muhiim u tahay in xubnaha xulafadu ay sare u qaadaan difaaca dhanka kombiyuutarada.

Hadalkan ayuu ka sheegay khudbad uu ka jeedinayay jaamacadda St Andrews, wuxuuna hadalkaasi ku soo aadayaa xilli ra’iisalwasaaraha dalkaas Theresa May ay isku dayayso in shir aan caadi ahayn oo Malta ka dhacaya ay u adeegsato in xubnaha Midawga Yurub ka dhaadhiciso in ay sare u qaadaan lacagaha ay u adeegsadaan dhanka difaaca.

Sir Michael ayaa sheegay in Nato looga baahan yahay wax ka qabashada beenta uu xaqiiqada ka dhigayo Ruushka.

Wuxuu sheegay in weerarada Ruushku ay ka mid ahaayeen midkii lagu qaaday Tiifiiga TV5Monde ee dalka Faransiiska bishii Afraad ee sanadkii 2015kii, iyo weerarkii kale ee lagu bartilmaaameed saday aqalka hoose ee baarlamaanka Yurub.

Weerar kale dhanka internerka ah oo lagu qaaday Bulgaria bishii tobnaaad ee 2016, ayuu madaxwaynuha dalkaasi ku tilmaamaay midkii „ugu cuslaa“ uguna „darnaa ee ka dhaca koonfurta_bari ee Yurub.

Sir Michael ayaa sidoo kale ka hadlay tuhunka ku saabsan in Ruushku uu dhac u gaystay labada xisbi siyaasadeed ee dalka Maraykanka ugu wayn