Sadaasha ah somaliiya ma sii ahaan dooda dal ka madaxbannaan dalalka jaarka ah.

Bismilaahi Raxmaanaraxiim,
Bal marka hore,waxaan habbalyaynaya Webseydka
Xeernews24.com,oo Heegan u ah had iyo jeer ka hadalka danaha Soomaaliyeedda.
Marka labaad,waxaa beryahan dambe,waxaa dunidda hadal hayaan in ay socoto
oo waliba xoog leedahay arrintasi,taasoo odhannaysa inay dalalka jaarka ah
loo kale qaybin doono Somalia.
Waxaa jira waxayaabo qofkasta u caddaynaya inay arrimahas wax ka jiraan,
oo run tahay,waxaana ka mid ah in Keenya damacday badda Somalia oo ay
u samaysatay xaduud cusub,markay Keenya ogaatay inuu badda Somalia ku jirto
khayraad fara badan,oo kula heshiisay shirkadu inay u soo saaran.Inkasta
oo maxkamadda ICJ(International Court of Justice),ay go’aan kasoo sartay
go’aakas oo ah inay ICJ iyadu xaq u leedahay go’aanka gaadhida dacwadda
badda.
Waxaa kale oo la dhaxal wareejiyay hawddii Somalia(Somali air space) oo ahayd
midda ugu baladhan geska Afrika,oo 1991-dii markay Somalia butburtay loo
wareejiyay Keenya in laga maamulo,imikan shir dhawaan ka dhacay India lagu
go’aamiyay in loo qaybiyo hawda Somalia,Keenya iyo Sechiles,qalabkii CIVIL
aviationku ee yaala Mogadishuna loo daabulo Nairobi(Keenya).Qorshaasna
waxaa wadata hayada ka tirsan UNka ee ICAO(International civil aviation
organization).

Sida ay ka digayaan niman Somali ah oo aqoon dheer u leh arimaha civil
aviationka,´haddii aan si degdeg ah Barlamaanka loo hordhigin arintas
oo aan go’aan la isku hortagayo,laga gaadhin inay noqon doonto mid laga
shalayn doono mustaqbalka.
Waxaa kale oo ah wax aan loo adkaysan karin,fara gelinta qaawanan ee lagu
doorashada madaxweynenimo ee la filayo inay ka dhacdo Mogadishu seddeeda
bishan ee ku beegan maalinta Arbacada,oo dal ka mid ah dalalka jaara ah
ku hayo faragelin aan loo dulqaadan karin,balse waxaa isha lagu hayaa
mudanayaasha Barlamaanka somaliyeed,sida ay ka yeelaan.
Gabagabadi,rejada kaliya ee aan sugayna waa bisha seddeeda.
Wabilaahi Towfiiq
H.M.Warsame