Cali Khaliif oo safar lama filaan ah ku tagay Hargeysa, ugana sii gudbay Jabuuti

 

February 6 (XeerNews24)

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa socdaal lama filaan oo dhulka ahaa ku gaadhay magaalada Hargeysa, halkaasoo markii dambe uga sii gudbay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Safarka Cali Khaliif ee Hargeysa ayaa ka dambeysay, kaddib markii maleeshiyo hubeysan oo taabacsan Maamulka Puntland ay shalay is hor-taag ku sameeyeen, diyaarad ka qaadi laheyd magaalada Buuhoodle.
Wararka ayaa sheegaya in mas’uuliyiin ka tirsan Khaatumo iyo maleeshiyooyin hubeysan ay ka biya diidan yihiin wada hadalada uu la bilaabay Somaliland iyo heshiiska siyaasadeed uu la galay.
Prof. Cali Khaliif ayaa markii uu cadaadis kala kulmay Maleeshiyada hubeysan, go’aansaday inuu socdaal xagga dhulka ah uga baxo Buuhoodle, kadibna u gudbay dhinaca Somaliland.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Cali Khaliif uu sii maray magaalada Burco, isagoo markii uu gaadhay Hargeysa, saacado kaddib ka dhoofay.
Maamulka Somaliland iyo Khaatumo ayaa wada hadalo uga bilaaban doonaa dalka Jabuuti, waxaana wada hadalada la filayaa inay noqdaan kuwo xal looga gaadho xiisada siyaasadeed ee labada dhinac u dhaxeysa.