Salal Cabasho iyo Qayla-Dhaan way ka Daashay

Horta marka hore,gobolka Selel,xaguu ku yaalaa.sideese u yahay?
Gobolka Selel waa gobol dhaca waqooyiga somaliland,xaga galbeedka wax
u xaduuda la leedahay Killka shanaad ee DDSI,xaga konfurta wax u xaduuda
la leedahay gobolka Borama,xaga konfur bari waa u xaduud la leedahay gobolka
Maroodi-jeex,xaga bari waa u xaduuda la leedahay gobolka Saaxiil.xaga waqooyi wax ay xaduua la leedahay Jamhuuriyada jabuti,iyo badda Cas(red sea)
Cimiladda gobolka waa mid isbadisha,oo marka Xagaaga ah heerka kulayku
wuxuu gaadha 45-50 garaado oo celses,dadka iyo duunyaduba,wax ay baahan yihiin biyo badan inay acabaan.
Ceelal biyodka,biyaha laga acabo,waa kuwa RIIGA loo yaqaan,ee qalabka matorku ka soo jeedo biyaha.Baahida biyuhu markay kor u kacdo, matooradda
Ceelka biyaha ka saara wax ay noqdan halgab,haddii aanan horay loogu diyaarin kii lagu bedeli lahaana,dadka duunyaduba wax ay dhintaan haraad.
Marar badan ayay dhacday in dad haraad ku dhinteen gobolka,hase yeeshee,
maamulka somaliland dhegaha ayuu ka furaysta cabashooyinka iyo qaylo dhaanta
kasoo yeedhaya gobolka.
Waxaa laga war ahayaa,in gobolku yaahay,ka kowaad ee ugu dakhli badan ama
ka labaad,hase ahaantee,u yahay ninkii kabaha toli jiray ee isna ka
Kaba la’aa.Madaxda somaliland,waxaa maskax martay wax doorasho la yedha
oo kaliya,halkii dadka haraadku ku laynayo gobolka loo gurman lahaa.
Waa bilaahi Towfiiq.
Gurmad wanaagsan.