Saldhiga ama base ay Immaratka Carabtu rabto ayaa Ogolaaday?

Waxaa beryahan dambe soo shaac baxaya warar sheegaya inay Emiraadka Carabtu
danaynayso inay saldhig military ka samaysato Berbera,arintasna waxaa si aad
u weyn xisbiyada Soomaaliland ugu kala aragti duwan yihiin.
Arintasna inkasta oo Soomaaliland ku dhawaaqday inay ka goday Soomaalia inta
kale,haddana kama haysato ictiraaf buuxa addunyadda,oo looma aqoonsana dawlad madaxbanaan oo
gaar u taagan.Waxaa jira wadda hadal muddo dheer qaatay oo u socda Soomaalia
iyo Soomaaliland oo ku qotoma nasiidaaya iyo nisiidaynmayno.
Hadaba haddii aanan wali lagu heshiinin gooni isku taaga Soomaaliland rabto,sidee
bay suurtagal ku noqon karta inuu Emiraadku ka samaysato Berbera,isaga oo
aan dawladda Feederaalka ee Soomaalia ka helin ogolaasho? Midda kale lama oga sida ay saldhigas military u soo dhaweyn doonan dawladaha jaarka ah gaar ahaan Ethiopia.
Balse la arki doono,lana maqli doono.
Wabilaahi Towfiiq

Qore:H.M.Warsame