MUCAARADKA KOONFURTA SUUDAN OO SHEEGAY IN GOOBO CIIDANKOODU FADHIYO DIYAARADAHA MASAR DUQEYEEN

 

JUBA – Jabhad ka soo horjeeda xukuumada Koonfurta Suudan ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee dalka Masar ay duqeeyeen goobo ciidankoodu fadhiisin ku leeyahay. Falaagada ayaa xustay in diyaaraduhu garaaceen saldhig ay ku leeyihiin goob u dhow tuulo lagu magaacabo Kaka oo ku taal waqooyiga dalka.

Afhayeenka wasaarada arrimaha dibada ee Masar, Axmad Abu Sayid, ayaa si xoog leh u beeniyey eedeynta mucaaradka isaga oo sheegay inayna faragalin arrimaha gudaha ee wadamada kale.

Sidoo kale, afhayeenka madaxweynaha K-Sudan, Ateny Wek, ayaa diiday eedeynta falaagada isaga oo sheegay inayna wax macano ah lahayn. Waxa uu intaa ku daray, inay jiraan koox yar oo dablay ah oo shacabka ku dhax dhuumanaysa islamarkaana inay xukuumadu duqaynayn dadweynaha.

Masar oo horey wadamada bariga Afrika uga waday dadaal diblamaasiyeed ayaa lagu tuhmaya inay bilowaday dhaqdhaqaaq milatari. Waxaa laga jooga ilaa 2 toddobaad oo kaliya markii Itoobiya iyo K-Suudan si wadajir ah u beeneeyeen in xidhiidhkoodu xumaday kadib markii ay soo baxeen xogo sheegaya in K-Suudan ogolatay inay Masar hubayso muacaaradka Itoobiya ee ku sugan K-Suudan. Itoobiya ayaa horey Masar ugu eedeysay inay faragalinayso arrimaha gudaha ee dalkaada islamarkaana taageerto mucaaradka Oromada.

Waa markii ugu horeesay ee dhinacyada isku-haya colaada Koonfurta Suudan oo dhinac ka mid ahi eedeyo Masar.

Itoobiya ayaa si dhaw ula socota warka duqaynta diyaaradaha Masar iyada oo biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya uu bartilmaameed u noqon karo ciidanka cirka ee Masar.

Falaagada K-Suudan ayaa sheegtay in 9-bam ay diyaardahu ku soo rideen iyaga oo weerarka ku tilmaamay mid horseedi kara dagaal ka dhaca gobolka.