Doorashadi Soomaaliya

Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa si lama filan ugu guulaystay Mudane Moxamed  Cabdilaahi Farmaajo oo ka guulaystay wareegi labaad madaxwaynihii xilku ka dhaamaday ee Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh maxamuud.

Qaabka iyo hanaanka ay Doorashadu u dhacday oo ahayd mid heer saro ah oo cid walba si toos ah ula socotay,iyo sida xildhibaanadu ugu madaxbananaayeen codkooga iyo ciday la rabeen taas oo meesha ka saartay wixii dad badan oo Soomaaliyeed ku hadaaqi jireen ee ahayd in ay dawladda Ethiopia wax walba u yeedhiso baarlaamaanka Soomaaliya arrinta oo maanta beenowday.