Prof Cabdi Is Samatar Muxuu ku Dhaliilay Farmaajo?

Bismilaahi Raxmaanaraxiim,

Waxaan Maanta ka dhegaystay Prof.Cabdi Ismaaciil
Samatar oo ku dhaliilaya madaxweyne Moxamad C.Farmaajo,qoraalo u qoray
markii ka qalin jebinayay jaamacada,oo ragii xukunka Soomaaliya soo maray
qaarkood wax kaga sheegay.
Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar waa nin aan u hayo kalsooni weyn,hase yeeshee
waxaa ku odhan lahaa,waligeed ayay dhici jirtay nin si wax u arko,nin kalena si kale wax u arko ama wax u qoro. Midda kale,ma jiraan ayaan u malaynaya
taarikho laga qoray kuwii hore ee xukunka soo qabtay,iyo kuwii tageeradoodda ay xukunka ku qabsadeen. Cid kaleba ha lagu eedeeyo,inuu gumaysi ka dambeeyaye alaha ha u naxariistee Aadan Cabdulle Cusmaan oo ahaa madaxwenihii ugu horreeyay ee Somalia yeelato,oo somalida iyo addunyadu
ku tilmaameen inuu ahaa nin nadiif ka ahaa qabyaalada iyo wixii la mid ah.

Prof.C.Ismaaciil Samater,waxaan ku odhan lahaa,ummadda somaliyeed ee rafaadka iyo,kala qoqobka ku jirta in ka badan 26-tan sano ee misayrkeedii
cagta hoosteedda lagu geshay,wax intaas ka weyn ayay ka sugaysta Farmaajo.
Guusha uu ka gaadhay Farmaajo doorashada,waa mid haddii aysan sidas u
dhicin,waxaa suurtagal noqon kartay in Gabree u soo magcaabo Somalia
madaxwene,waayo waa la maqlayay kuwa u tartamyay xilka madaxwenaha oo
le aniga waxaa I wata dawlad hebel,oo lacag aan ku galo doorashda I siin
doonta, kuwaasso ka quustay shacabkooda,markay wax u qaban waayeen.
Wabilaahi Towfiiq
H.M.Warsame