Madaxweyne Farmaajo maxaa looga Baahan yahay muxuuse u Baahan yahay?

Bismilaahi Raxmaanaraxiim,

Marka hore waxaan salamayaa ummadda Soomaaliyeed
meelkasta ha joogaane,waxaanan ilaahay weyne ka baryayaan inuu NABAD ka
dhex dhaliyo AMIIN.
Midda labaad,doorasho ayaa dhacday maantii arbacadda ahayd,bishuna ahayd
sedeed(8),waxaana lagu doortay madaxweynaha afrta sanno ee soo socota,
oo ah mudane Moxamad Cabdullaahi(Farmaajo,waxaana lagu doortay rabitaanka
shacabka somaliyeed ee ka daalay nololxumada iyo kala firirka muddo ka
badan 26 sano,ee ay ku dhiiradeen dalal kale inay ka fushadaan danahooda.
Walalayaal maanta ummadda somaliyeed.waxa ay u muuqata in geeska Afrika
lagaba waayo jiritaankeedda,oo loo qaybsado sida lacagta loo qaybsado.
Hadaaba  aniga sida ay il tahay,maxaa looga baahan yahay madaxweyne M.C
Farmaajo inuu ku dhaqaaqo,inuu u soo dhiso dalka xukumad tayale oo aan
ahayn kuwii ay ummaddu garahday ee isaga ka horreeyay.Inuu si degdeg ah
ugu soo celiyo ummadda hantidii ay lahayd ee si sharcidarro ah loola
wareegay.Inuu xooga saaro sidii u soo celin lahaa NABADGELYADA,waayo
haddii aysan nabadgelyo jirin,ma samayn karo wax ka duwan wixii hore.
Inuu dalka u dhiso ciidan qaran oo tayale oo isku dhaf ah,oo xaquuq
wixii ay leeyihiina loo diyaariyo.
Muxuuse u baahan yahay Farmaajo inuu helo? Somalidu waxa ay ku mahmahda
FAR KALIYA FOOL MA DHAQDO; Farmaajo si u guulaysto,wuxuu u baahan yahay,
in lais garabtaago oo shacabka somaliyeed oo dhan meel uga soo wadda
jeestaan sidii wax looga qaban lahaa NABADGELYO  xumadda,waayo Farmaajo
ma joogo meelwalba.Kuwa idin qarxinaya guryaha ayay idinla tegan yihiin,
hase yeeshee,Farmaajo lama degana.
Gabagabadii,waxaan bogaadin iyo habbalyo u dirayaa xildhibaanadii soo
doortay Farmaajo,oo dheg u dhegii waayay fargelintii qawanayd ee shisheye
ee iyagoo ka turjumaya rabitaanka shacabkooda doortay Farmaajo.
Waaba baryay,bilicsan maalin bokhran
Qore:Haji H.M.Warsame