Sawiro Gaalkacyo Dhalinyaro Madaxa looga Xiiray Qaruurad oo Dhanka Waqooyiga Laga soo wareejiyay.

 

ilaa dhowr maxaabiis ah ayaa laga soo wareejiyay dhanka Waqooyiga Gaalkacyo kuwaasi oo dhanka Galmudug u soo gudbay,

Dadkan oo kasoo jeeda Maamulka Koonfur Galbeed isla markana Maamulka Puntland uu ku hayay Xabsiyo ku yaala Garoowe iyo Gaalkacyo Ayaa ugu danbeyn la sii dayay,

iyagoo soo gaadhay Dhanka Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug Maamusho waxay sheegeen in ay Xabsi kasoo baxeen isla markaana madaxooda looga xiiray dhalo ama Qaruurad sida ay warbaahinta u sheegeen,

Sidoo kale waxay ka hadleen Sababta loo qabtay iyo halka ay ku siijeedeen markii la qabtay iyagoo sheegay in ay Tahriib aahaayeen Halka kuwa kale ay sheegeen in Ay Muruq maal ku ahaayeen Deegaanada Puntland,

Maamulka Galmudug ayaa dadkaan Soo dhaweyn u sameeyay Halka Qaarkood loo saameeyay caawinaad.