Masjid ul Jaamic wayn oo laga dhisay Magaalada Afdem

Magaalada Afdem oo ka mid ah Magaalooyinka ugu faca wayn gobolka Sitti ayaa markii ugu horeeyey taarrikhda yeelatay masaajid wayn oo jaamic ah. Masaajidkan ayaa ah mid ay dadka reer Afdem kaaga bixi doonaan baahidi ka haystay xagga masaajid la,aanta iyo goobo ay Ilaahay ku caabudaan kuna bartaan xifdiga quraanka Kariimka ah.Bulshada ree Afdem oo ku caan ah xoola dhaqantada ahna degmaga ugu hodansan xagga xoolaha nool ee gobolku hodan ku yahay ayaan wax gacan gabad ah ka helin maamulka ka arimiya magaalada Jig-jigga oo in ay cashuur ka urursadaan mooye aan masuuliyad iyo xilkasnimo midna looga fadhiyiin.

Bulshadu iyadda oo aan cidna ka helin wax kaalmo ah hadday ahaan ahayd dawlada Ethiopia iyo wada islamka ayay goosteen in ay gacantooda ku dhistaan hooy ka mid hooyada lagu caabudo Illaahay.

Waana talaabo ku dayasho mudan in ay magaalooyinka kale gobolka Sittina kaga daydaan ficilka reer Afdameed.