Shan Qodob Oo kasoo baxay wada Hadaladii Somaliland iyo Khaatumo Uga Socday Jabuuti.

 

Wada hadaladdii u socday Somaliland iyo Khaatumo ee ka qabsoomay magaalada Jabuuti ayaa maanta laga soo saaray shan qodob oo la isku afgartay.

Wada hadaladdan oo maalmihii ina dhaafay ka socday magaaladda Jabuuti ayaa la sheegay in laga soo saaray qodobo la isku afgartay.

Xubnaha Kulankan ay labada dhinac ku wada hadlayeen ayaa waxa goob joogayaal ka ahaa Lix Xubnood oo ka kala socda Somaliland iyo Khaatumo, isla markaana ay kala hogaaminayeen gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Prof Cali Khaliif Galaydh, waxaana qodobada ay isla qaateen guddiga farsamada labada dhinac shan qodob ay kala yihiin sida tan:

1. Waxa dib u eegis lagu sameeyey heshiiska 11 qodob ka koobaan ee Addis-ababa 21-12,2016 wixii hirgalay iyo wixii aan hir galin.

2. In taakulaynta iyo gurmadka abaaraha Somaliland iyo Khaatumo iska kaashadaan kana wada shaqeeyaan.

3. Waxaanu ugu baaqaynaa hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Maxxaliga ahba inay si deg deg ah uga hawl galaan deegaanadaasi,abaaraha iyo horumarin la’aanta jirta awgeed.

4. In shirka guddiyada wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo lagu qabto Jabuuti 20.3.2017.

5. Waxaanu si wada jir ah u canbaareynaynaa falka nabad galiyo xumida iyo khal-khal galinta ahaa ee Puntland ka fuliyeen madaarka magaalada Buuhoodle 5.2.2017,waxaanu usoo jeedinaynaa inay ka waantowdo falkaas Foosha xun iyo farogalintaba.

Waxaana war-murtiyeedkan ku saxeexnaa: Maxamed Xaaji Aadan oo Somaliland ka socday iyo Kayse Cabdi Yuusuf oo ka socday Khaatumo, waana guddoomiyeyaasha guddida farsamo ee labadda dhinac.