Aayo Maxaad Ku ogayd,Dagaal Badni,Dad-Cun Bay ku Darsatay!
Bismilaahi Raxmaanaraxiim,
Awlan Waxaan Salaamaya ummadda Soomaaliyeed
gaar ahaan kuwa lagu dhibayo ee ku dulman gobolka Salal.Hal-kudhega kor ku xusan,sida sheego ahaan nagu soo gaadhay,waxa ay ka timiday laba wiil oo hooyadii dhashay dhimatay,kadibna Aabahood naag kale guursaday.Naagtii wiilashii waa ay ku dagaal badatay.maalin maalmaha ka mid ahayd ayaa bay wiilashii mid ka mid,gacanta ka qaniintay,wiilkii gacanta ay ka qaniinta,ayaa kii kale u tegay oo ku yidhi,WAR AAAYO MAXAAD KU OGAYD,WUXUUNA KII KALE KU JAWAABAY DAGAAL BADAN,WUXUU YIDHI DAD-CUN BAY KU DARSATAY,OO GACANTAY IGA CUNTAY. Qore:X M Warsame.
|