Ururka ISIS oo Bambooyin Dusha Sare ka soo Dhucay ku Burburiyey Kaarayaal Ciidanka Ciraaq Leeyahay

 

Kaabul (XeerNews24)

Muuqaalo ay baahiyeen dagaalyahannada Kooxda dawladda Islaamiga ah ee la baxday ISIS amma Daacish, ayaa muujiyey bambooyin ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) oo dusha sare kaga yimmi, isla markaana burburiyey taangiyo (tanks) kuwa dagaalka ah oo ay leeyihiin ciidanka Ciraaq.

Sida lagu faafiyey wargeyska The Dailymail ee ka soo baxa Ingiriiska oo Jamhuuriya soo xigtay xalay, muuqaalka fiidiyowga ah ee la soo saaray, ayaa laga dhex arkay saddex bambo oo ka soo dhacay dhinaca cirka, burburiyeyna kaarayaal ciidanka Ciraaq leeyihiin ee ka dagaallamaya degaanka magaalada Mosul, halkaasoo ay ku loollayamaan dagaalyahannada ISIS iyo ciidanka dawladda Ciraaq oo kaashanaya xulafada dalalka reer galbeedka.

Kooxda ISIS ayaa ku dooday inay adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee rimuutka laga hago (Drones) si ay u duqeeyaan gaadiidka dagaalka ee ciidanka Ciraaq, waxana muuqaalka ka muuqda bambooyinka oo qabsaday bartilmaameedyo loo cayiyey, taasoo muujisay in si sax ah loogu soo hagay halka kaarayaashu joogeen.

Qaar ka mid ah dadka degaanka Mosul ee u dhawaa goobta weerarku ka dhacay, ayaa sheegay inay arkeen burburka gaadiidka dagaalka, balse ma sheegin wax ciidan amma rayid ah oo khasaare ka gaadhay miinooyinka cirka lagaga tuuray.

Ciidanka xulafada ah ayaa hore u sheegay inay qabsadeen goobo lagu farsameeyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay adeegsadaan dagaalyahannada ISIS, kuwaasoo ku kala yaal dalalka Ciraaq iyo Suuriya bishii la soo dhaafay ee January 2017.

Hase yeeshee, waxa walaac xooggan ku abuuray ciidanka Ciraaq iyo kuwa xulafada qaabka casriga ah ee ay weerarrada u qaadaan kooxda ISIS amma Daacish, gaar ahaan diyaaradaha yaryar ee lagu qaado miinooyinka, kuwaasoo si dhib yar loogu weerari karo goob kasta, sida hadda ka dhacday magaalada Mosul ee bambooyinka cirka ka soo dhacay burburiyeen taangiyada dagaalka Ciraaq