Gacal weyd male,ee saldhig military diiqo ma loo bashay?

 

Bismilaahi Raxmaanaraxiim,
Waxaan salaan u diraya ummadda Soomaaliyeed,
gaar ahaan,shacabka reer Soomaaliland,ee dekaddii ay ku noolayeen ee
Berbera ee ahayd live laynkooda oo,loo siiyay DiiQO gabadha iyo wiilka is qaba,
dartood loo siiyay Imaairaadka(UAE)inay saldhig military ka dhigtaan. Berbera.
Waa iska caadi in gabadh loo DIIQO,oo ay u diiqaan reerkii ay ka dhalatay,
hase yeeshee,waa arin ku cusub arliga Soomaalida,in dhul loo  bixiyo diiqo.
Soomaaliland hadda sharci umale inay saldhig military saxeedo,waayo,
ma’ah dal la ictiraafsan yahay wali,dawladda Imaaraakuna iyada oo saxeex
ka helin dawladda Feedeeraalka Soomaalia(dfs),ma dejin karto Berbera ciidan
military.,sidas awgeed,wuxuu Imaaraadku heshiis hoose la galeen qaar ka
mid ahaa kuwii u tartamayay doorashadii xilka madaxwenaha soomaalia ee uu
guulaystay mudane Moxamad C.Farmajo.
Ragaas heshiiska hoose la galay Imaaraadka Carabta,ee ugu ballanqaaday
UAE inay saldhiga military u saxeexi doonan,marka loo doorto M/naha Soomaalia
waxaa UAE ugu ballanqaaden dhaqaale xoogle,oo ay ku ibsadaan xil/dh/nada
Soomaaliyeed,hase yeeshee, aakhirkii dambe markay ogadeen in aysan heli
doonin doorshada kala noqdeen.
Waxa heshiiska loo egaysiiyay,ee la dhex geeyay golayaash Soomaaliland,waxaa
ku jira,qodobo sheegaya in wax alaale wixii ay UAE kasoo dejiso dekadda
Berbera aanan la canshuuri karin,lana baadhi karin. Waxaa kale oo ku jira
inay badaha Soomaaliland,ay iyagu awood u yeelan doonan inay ka ilaaliyaan
ciid kale ka kaluunsatay
Gabagabadii, waxaa u soo jeedinayaa Madaxwenaha maamulka Soomaaliland in
ka fiirsado ´ saldhigas,oo laga yaabo inuu xiisado cusub ka dhex dhaliyo
Soomaalia,iyo waliba kuwa jaarka ah.Waxaa kale oo an odhan karin,si xalaal
ah ayay ku ansixiyeen labada gole Soomaaliland,marka la eego sidii ay arrintu
ahayd.
Qalinkii:Xaaji.H.M. Warsame