Safiirkii Israel ee dalka Masar oo arrimo ammaan darteed u tagi la’ Qaahira

 

 

February 15 (XeerNews24)

Laamaha ammaanka dalka Israel ayaa shaaca ka qaaday in Danjirahooda u fadhiya dalka Masar David Govrin uu sii joogi doono Israel, sababo la xidhiidha dhinaca ammaanka.
War ka soo baxay laamaha amniga gudaha Israel ee loo yaqaano Shin bet ayaa lagu sheegay in safiirka iyo shaqaalaha wasaaradda Arrimaha dibadda aysan aadi doonin magaalada Qaahira.

Safiirka iyo Diblomaasiyiinta ayaa bishii December ee sanadkii hore laga daad-gureeyay magaalada Qaahira, kaddib markii la helay xog ku aadan in la qaarijin rabo.

David Govrin ayaa bishii Agosto ee sanadkii hore 2016 waraaqaha danjirnimo waxaa ka guddoomay Madaxweyne C/fataax Al-Sisi, waxaana la sheegay in muddo afar bilood uu joogay kaliya Qaahira.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho arrinta la xiriira amniga ee ku saabsan Safiirkooda joogay Qaahira.

Bishii December ee sanadkii hore ayay aheyd markii Safiirkii Ruushka u fadhiya magaalada Ankara ee dalka Turkiga toogasho lagu dilay.

Israel ayaa dib safaaradeeda uga furatay magaalada Qaahira sanadkii 2015, afar sano kaddib banaan baxyadii dalkaas ka dhacay ee xukunka looga tuuray Madaxweynihii hore Xusni Mubaarak.

Xiriirka Israel iyo Masar ayaa soo wanaagsanayay tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii sida dimoqraadiyada loo soo doortay Maxamed Mursi oo ka tirsanaa Kooxda la mamnuucay ee Ikhwaanul Muslimiin.