Dib umilicisi laga soo bilaabo 2005tii gobolka Hadda yidhah Salal,iyo qabiilka Ciise.

Taarikhida,Haddii aan dib ugu noqono,gobolkan Hadda loo baxshay Salal,
muxuu ahaan jiray,maxaa la odhan jiray,xaduudiisu Halkay ku ekayd?
Gobolkan waxaa la odhan jiray Awdal,magaalo madaxdiisuna waxa ay
ahayd Saylac, oo ah magaalo taarikhiya. Waxaa laga xukumi jiray Saylac
Lughaya,Ceela-la-Helay,Damasha,Cadi Geedi, kuwaasi waa degmooyinka
dhinac bari.
Dhinaca koonfurta iyo galbeedka,Gaarisa, Fiqi aadan,Cabdulqadir,
Jidhi,Xariirad,Aroorseel,iyo Ceelbaxay.
Intas oo degmo,waxaa dega qabiilka Ciise,majooritee ahaan,waxaana la dega
beelo ka mid ah qabiilka Somaroon,hase yeeshee,waa lagaga badan yahay.
Sanadkii 1960-kii,markii xoriyadda laga qaaday gumaysigii Ingriiska,doorashadii
ugu horaysay,waxaa laga soo doortay gobolka Saylac laba xildhibaan oo kala
Jaamac Geelle Cadhoole,iyo Muuse Axmad Shirwac,waxaana doorashoodu
ahayd  waxa loo yaqaan UNOPOSED,sobobtuna,waxa ay ahayd,gobolka oo
waqtiga xaagaga (sumary  time) aad u kulul,dadkii wax dooran lahaana kor uga
hayamaana kulaylka ilaa xaduuda Itoobia, ayaa doorashada looga dhigay
UNOPOSED.. Kuwii kale ee ku xigay ee ahaa 1964,ee lagu soo doortay
Omar Osmaan Yaabe, iyo Axmad Qumane Rooble,iyo tii kale ee 1969kii
dhamaantod wax ay ahayeen UNOPOSED. Waxaa kale oo saldhig u ahaa,
doorashada xeerka Ciise,oo wixii soo dhaca Ciisaha,lagu kale qaato,xeerka
Ciise,caadana uma ah Ciisaha inuu ku dagaalamo kuraas iyo wixii la mid ah.
Hadaba maxaa keenay, in gobolka magciisi ahaa Awdal(Saylac) loo bedelo
Salal  oo  meel  biyaha kacabo.
Arintasi waxa ay ku timid,kuwa waqtigu madax ka dhigay,iyaga oo aan habeena
ku seexan inay madax ka noqon doonan dal,iyaga oo ka faa’idaysanaya
ku dhaqaaqay si dhulbalaadhsi ah,wax uga
 bedeleen sidii dhulka loo kala ýalay,wax ayna ku tashadeen dhulka Ciisuhu dego
laga dhigo qaar goboladda  la raaciyo,iyo qaar lagaba xayiro wax doorasho
ah,diwaangelina laga samaynin. Qorshahas oo la bilaabay sanadki 2005-kii
waqitas oo ahayd waqtigii ay dhacaysay doorashadii golaha Wakiiladda m/m sl.
oo xayiaraad laga saaray xildhibanaddii qabiilka Ciise uga soo gali lahaa. golaha,
ilaa iyo waqtiganna sidii ay kaga maqan yihiin.golaha. Haddii,u mamulku xanibay
inay doorasho ka dhacdo degmooyinkas waqtigas oo nabadgeliyada darteed,
loo  xayiray inay doorasho ka dhacdo,saw ma ahayn inay golaha ka sii mid
ahaadan,ilaa doorasho kale ee loo yaqaan(by election) ka dhacdo.
,Ulajeedadda,arimahas oo dhan looga  gol laahaa,waan in qabiilka Ciise
laga horjoogsado ka mid ahaansha  golayaasha maamulka somaliland,iyada
lagu colaadinyo arimo aan meesha oolin. Sikastaba ha u dhacdee,doqnimada
ka maqnaansha golaha wakiiladda,waxaa iska le kuwii markii la joojiyay in
laga soo doorto degaanadoodii,iska seexday,ee waxba samaynin
Waxaa ku gabagabaynaya,hal-ku-dhiga ah dhashaaday sugta xajadad dhawrta
abid.
Qore:Xaaji M.H.Warsame.