Faisal Cali Waraabe oo wax weyn ka bedelay muqufkiisi hore

.

Bismilaahi Raxmaanaraxiim,
Awlan sidii caadada ii ahayd,waxaan salamaya
ummadda Soomaaliyeed,ha ahaateen dal-joog, ama dibad-jooge,waxaanan raaba
inay ila qaybsada yididiilada i muuqta, ee ah inay Soomaalia dib u dhalan
doonto.
Aniga oo  ku sobobaynaya arimaha aan hoos ku sheegi doono;
kow, waxaa la doortay madaxweyne daacad ah,oo diyaar u ah inuu dalka u soo celiyo
sharaftiisi iyo karamaddii ummadda Soomaaliyeed.
Laba, inuu ka saaro dalka
jaajuusintii dhex fadhiday xafiiska madaxtooyadda Soomaaliyeed ee  Mogadishu.
Seddex,waa nin ay aamineen madaxda addunyadda oo dhan inuu yahay ninkii
ka saari lahaa Soomaalia burburka iyo baaba haysta Soomaalia muddo ka badan 26-tan sano
.
Midda u damaysa ee afraad,doorashadiisi,wax ay wax weyn ka bedeshay muqifyadii ay  horay ku  taagnayeen siyaasiin Soomaalia ah,sida Faisal Cali
Waraabe,oo bedelay siyaasadii u hor boodayay ee ahayd gooni isu taaga Soomaali-
land,isaga oo ka hadlayay Lasscaanoodna,wuxuu yidhi sidan waa laga maarmaan
midnimada Soomaalia oo aysan macquul ahen in loo qaybsamo qabiil qabiil.Waxaad
ogaataan inaynu wax ku noqon karno midnimo,oo kaliya midnimo Soomaalia,inaga
ayaana la inaga sugaya reer waqooyi haddii aynu nahay,waa inaan caqligeen midayno,Soomaali waa isku mid meel ay joogtaba.qabiil waxba kuma noqon karno.
NFD,Jabuuti iyo Kilalka shanaad waa ay ina dhaafeen.
 
Hadaba ma odhan kara Faisal Cali Waraabe, oo ahaa nin ku dhegan gooni-is-taaga Soomaaliland,maalmo tiro yar horteedna,mar wax laga weydiiyay madaxwene
Farmaajo,waxa ay ka filayaana,wuxuu ku jawaabay,sidan waan sugayna wuxuu
noola yimiaado,haddii Soomaaliweyn iyo wax la mid ah noola yimaado,waxaan
ku samayn doona wixii aan adeerkii oo loola jeedo  Moxamad iyaad Barre,ayaa
ku samaynay . Marka mala odhan karaa,Faisal Cali Waraabe,wuxuu qudaraynaya inuu jago wasiirnimo ka helo xukumada wuu soo dhisi doono  Raysal Wasaaraaha u soo magacaabi doono madaxwene Farmaajo dhawaan.
.
 W
Waan sugayna  bal arimuhu wixii ay ku dambeeyaan.
H.M.Warsame.