Madaxweyne Farmaajo oo safarkii u horeeyay dalka uga ambabaxaya (Dalkee ayuu tagi doonaa)

 

 

February 18 (XeerNews24)

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in safarkii u horeeyay uu dalka kaga ambabaxo, todobaad kaddib markii loo doortay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso war baahinto ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu safarkii u horeeyay tan iyo markii xilka loo doortay ku tagi doono dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaasoo la sheegay inuu ku soo cumreysan doono.

Ilo wareedka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Sacuudiga u ambabaxi doono marka la caleema saaro, waxaana la sheegay in dadka Soomaaliyeed ugu soo duceyn doono Xaramka, marka uu cumreysto.

Safarka Madaxweyne Farmaajo uu ku tagi doono Sacuudi Carabiya ayaa ka duwanaan doona safaradii hore ay Madaxda Soomaalida marka la doorto ku tagi jireen wadamada deriska ah.

Sidoo kale waxaa jira casuumaad rasmi ah oo Madaxweynaha la soo gaadhsiiyay, kaasoo ay kaga timid Boqorka dalka Sacuudiga Carabiga Boqor Salmaan oo todobaadkii hore Taleefan kula soo hadlay, markii loo doortay xilka Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo iyo Boqor Salmaan ayaa kulan gaar ah yeelan doono marka uu tago Sacuudiga, sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu tago dal labaad oo Carbeed oo ka mid ah dalalka Khaliijka.

Boqorka Sacuudiga ayaa ahaa Madaxdii u horeysay ee carbeed ee toos hambalyo ugu soo dira Madaxweynaha la doortay, iyadoo Sacuudiga uu daneynayo xidhiidh wanaagsan uu la yeesho Madaxweynaha cusub.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu todobaadyada soo socda ka qeyb galo shir madaxeedkiisii u horeeyay, tan iyo markii xilka loo doortay, waxaana magaalada Riyadh uu kaga qeyb geli doonaa shirka dalalka Iskaashiga Islaamka.

Xafiiska Madaxweynaha ayaa la soo gaadhsiiyay casuumaado uga timid dalal dhowr ah oo uu booqasho rasmi ah ku tago doono, kaddib marka la caleema saaro iyo marka uu Ra’iisul Wasaare magacaabo, sida ilo lagu kalsoonaan karo inoo xaqiijiyeen.