URURKA EPRDF IYO XISBIYADA MUCAARADKA AH OO KULMAY

ADDIS ABABA
Xisbiga haya talada Itoobiya, EPRDF, iyo 21 xisbi oo kale ayaa badhtimhii toddobaadkan ku heeshiye inla diyaariyo goole si wadajir ah loogaga doodo xaalada siyaasadeed ee dalka. Ururada isu yimid ayaa dajiye xeer weli qabyo ah oo qeexaya sida loo wada shaqayn karo.
EPRDF ayaa dhawaan ballan-qaaday inay kor furfurnaan siyaasadeed muujin doonto islamarka asxaabta mucaaradka ah ;a tashan doono.

Ururarada ay ay EPRDF la shirtay ayaa ah kuwo aan awood lahayn oo inta badan la maqlo xiliyada doorashadu soo dhowadahay ama dawladu dano ka leedahay.

Waxaa jira cadaadis soo foodsaray ururka talada haya tan iyo intii mudaharaadyada kacdoonada wata ay dalka ka curtay muddo laga joogo dhawr iyo toban bilood. Dadweynaha Itoobiya ayaa dareenkooda ku muuiye mudahaaradyo markii dambi isu rogay gacan ka hadal oo lagaga cabanayo in talada dalka ay qoomiyada Tigreegu maroorsatay.

Dawlada ayaa qaaday talaabooyin lagu xakamayanyo mudaharaadyada iyo cadhada dadka gadoodsan. Waxaa la soo rogay xukun degdeg ah oo mamnuucaya inla mudaharaado iyada oo dhanka kale la gooye adeega interneta iyo TV-da ku hadla afka mucaaradka.

Sidoo kale, EPRDF ayaa isku-shandhayn ku samsay gollaha wasiirada iyo maamulada Axmaarada, Dhabuubka, Oromada iyo Tigreega oo ah kuwa ku bahoobay ururkaas.

Isbadalada dawlada ayaa u muuqda kuwo aan qancin shacabka islamarkaana soo jiitay cadho hor leh markii ugu yaraan 25,000 xabsiyada la dhigay. Waxaa intaa dheer, in goobaha qaarkood ay ka dilaceen dagaalo ay wadaan jabhado hubaysan.

Xeerka qabyadaha ee ururada isu yimid dhigteen ayaa la sheegay in lagu ansixin doono kulmada soo socda oo aan xilli la qaban doono aan la baahin. Qodobada xeerka qabyada ah ayaan warbaahinta lala wadaagin.