.Maayeerka Magaalada Dire-Dhaba ayaa dhagax Dhigey dhismaha Huuteel cusub oo 5 Xidigoodle ah

 

Maayeerka Ismaamulka Magaalada Dire-dhaba ayaa dhagax dhigey Huuteel cusub,iyadoo  ay isasoo tarayaan huteelada waawayin ee laga dhisayoo ayaa hada waxaa la bilaabay huuteel casri ah oo ah huteelada waawayin ee shanta (5) xidigood leh waxaana dhagax dhigi dhismaha huteelkasi dhagax dhigay duqa ismaamulka mudane Ibrahim cusmaan oo sheegay in uu ismaamulku yahay goobta bariga dalka ee warshadayinta waxaana uu huteelkan uu qayib ka yahay horumarka balaadhanaayay ee ka socda ismaamulka .

 

Mudane Ibrahim ayaa intasi ku daray in qorshaha ismaamulka ee dhinacyada dalxiiska uu aad u kordhaayo wuxuna uu huteelkani uu qayib ka qadan doona marti galinta iyo waliba dalxiiska sookordhaaya ee ismaamulkan Magaalada diri dhabe.

Dhanka kale  mudane Ibrahim wuxu sheegay in ismaamulku uu dhismahani uu lagarab joogi doono wax kaste oo uu taageero ah sidi uu wakhti dhaw uu hawsha u bilaabi lahaa huteelkani

Dhanka kale mudane tadhase adhmasu oo ah mulkilaha iska leh huteelkani ayaa sheegay in ay dhismahani ay ku bixi doonto 220 milyan wuxuna ka koobnaan doonaa 11 dabaq wuxuna intasi ku daray marka uu huteelkani shaqada bilaabo in ay fursado shaqo ay ka heli doonaan ilaa 500 oo qof.