Xildhibaanadda ka soo jeeda Soomaliland ee ka mid ah baarlamaanka Feedaraalka.Soomaaliya.

 

Bismilaaahi Raxmaanaraxiim,
Marka hore,waxaan salamaya ummadda Soomaalida
ah meelkasta ha joogane,marka labaad,su’aal aanan wali maqlin cid ka jawaabta,
waxaana weeye,xildhibaanadda ka soo jeeda Soomaliland ee ka mid ah baarlamaanka dawladda Feederaalka Soomaalia,waxa ay Soomaliland ku sheegta inay
yihiin kuwa kaliya u shaqo tegay Soomaalia,oo aan cidna matelin.
Hase yeeshee, ma maqal iyaga oo ka jawaabaya oo diirka ka qaadaya sobobta rasmiga ah ee
ay uga mid yihiin baarlamaanka dawladda Feedaralka Soomaalia,in ay yihiin kuwa soo shaqo-
tegay iyo in ay aminsan yihiin nidaamaka feederaalka ah iyo Soomaaliweyn.Hadalka
ah,waa kuwa shaqotegay oo ma jirto cid ay ku metelan baarlamaanka Soomaalia,
waa mid meel-ka-dhac ah,waayo,addunyada lama arag nin xildhibanimo yaan
ku soo shaqaysanaya  yidha.
.Midda kale,tirada xildhibaanada aqalka hoose waa 275,aqal sarana waa  72. Intas oo dhan
wax ay mushahar iyo gunnaba ka qaatan dawladda feederaalka ee gobolka Benadir .Goboladda
kale ee dekadahle,sida Kismaayo iyo Puntland, maxa ay qaybtooda u bixin layihiin?
.
Gabagabadii,iyo gunnaanadkii,xildhibaanadda ka soo jeeda Soomaliland,waa inay
cadeeyaan wuxuu ka dhigan yahay ka mid ahaanshooda baarlamaanka dawladda Feedaralka Soomaalia.
Qore;H.M.Warsame