Wasiiraddii ka tirsana maamulka somaliland,ee ka qaybgalay dabaldigii cidamadda Itoobia

 

Waxaan u mallayayaa waa markii ugu horraysay,ee lagu arko dunidan
 wasiirro lagu casuumay dabaaldeg ciidan cadaw u ah.
Arintasi waxa ay ka dhacday magaladda Jigjiga ee ah magaala madaxda
dawlad degaanka Soomaliland  Itoobia(DDSI,halkasoo ay kaga qaybgaleen
madax ka tirsan  maamulka Soomaliland dabaaldeg ay samaynayeen ciidamadda Itoobiya.Arintasi,waxa ay marqaati kacaysa bahdilka lagu hayo Soomaalida maanta.
Wax ayna ku timid markay Soomaalia u qaybsantay gobol-gobol yar-yar,oo dalalka jaarka ihii.
siday rabaan ka  yeelaan.
Saw kii la wadda ogaa Soomaalia halkay gaadhay sharfteedu iyo karamadeedu.
Bahdilkan maxaa keenay,? ma aha su’aal adag,waxaa keenay,kala taga iyo burburka ku yimid Soomaalia,oo ay ku dhiiradeen kuwa jaarka ihii in ay kula dhaqmaan
ummaddi Soomalaiyeed,sidii dad ay iyago gumaystaan.
Waxaa ugu sii daran oo ah wax aan la qaadan karin,haddii sida la sheegayo ay
runta tahay , in ay Itoobiya ku hanjabtay in ay weerar doonto Soomaliland haddii,
ay kaga dhabayso in Dekadda Berbera saldhiga military ka siiso UAE. Dekadda
Soomaali baa leh,siday rabto ayayna ka yeeli karta.
Soomaliyey,horay baa loo yidhi Waraabe walaala leh,ayaa wax dila ee aan soo
ceshano midnimadeeni, oo aan dhisano dalkeena, anan iska dayno isnacayba-
ka iyo kala taga,anan hirgelino Federaalaysim fiican oo aan ku wada dhaqmi
karo, lana soo baxno khayraadka ka buuxa dalkeena,bad iyo bariba. Keenya
sobobta ay baddeena u doonayso,waa khayraadka ka buuxa darteed. Khayradkas
si loo soo saaro,waxa ay u baahan tahay oo kaliya,dalka oo nabad lagu soo celiyo
oo markas ay ummaddeenu ka baxdo Gaajadda iyo rafaadka.
Wabilaahi Towfiiq.
Haji.H.M.Warsame
Qore:H.M.Warsame.