Soomaliland oo sii deysay Milkiilaha Telefishinka Universal, kaddib Markii u Cabdi Iley Dalbaday Siidayntiisa.

 

 

February 20 (XeerNews24)

Maamulka Soomaliland ayaa maanta duhurkii sii daayay Milkiilaha Telefishinka Universal ahna Maamulaha Guud ee Telefishinka, kaddib markii shalay gelinkii dambe ay xabsiga dhigeen.
Eng. Axmed Abuubakar ayaa Hargeysa looga yeedhay heshiis ay rabeen inay la galaan Xisbiga talada haya, balse arrintaas ay ahayd mid shirqool loogu dhigay.

Wararka ayaa sheegaya in Maamulka Somaliland ay dhibsadeen warar ku saabsanaa heshiiskii Imaaraadka Carabta ee saldhiga Milateri ay ka dhisanayaan Berbera, kaasoo lagu baahiyay Barnmaajika qosol wareedka ee Faaliyaha Qaranka.

Mid ka mid ah Farsamayaaqanada Telefishinka Universal oo lagu magacaabo Abukar Mahdi ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in la sii daayay Eng. Axmed Abukar, kaddib dalab ka yimid Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo Eng. Axmed Abuubakar uu xidhiidh dhow u dhaxeeyo, isla markaana Engineerka horay gacan uga geystay Telefishinta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee ESTV.

Eng. Axmed Abuubakar ayaa la dejiyay Hotelka Maansoor, waxaana lagu wadaa inuu berri u ambabaxo magaalada Muqdisho, si uu halkaas uga qeyb galo xaflada caleema saarka Madaxweyne Farmaajo oo Arbacada dhici doona.

Telefishinka Universal oo ka mid ah Telefishinada afka dheer ee Soomaalida ayaa waxaa sanad ka hor laga joojiyay inuu ka howl galo deegaanada Somaliland, kaddib khilaaf soo kala dhex galay Telefishinka iyo Maamulka Somaliland oo sababay in albaabada la isugu dhifto Xafiiskii Telefishinka ee Hargeysa iyadoo aakhirkiina la soo af jaray khilaafki u dhaxeeye Hargeysa iyo Universal Tv.