Saldhiga military ee UAE rabto inay samaynsato Berbera ayaa ka dambeeyay

 

Saldhigan military ee UAE doonayso inay ku yeelato Berbera,waxaa soo
shaac baxday inuu ka dambeeyay dawladdii u madaxda  ka ahaa Xasan
Sheekh Moxamud,raysal wasarahana ka ahaa Cumar Cabdurashiid Cali
Sharmarke. Arintas oo muddo dheerba u uga qaybgalayay safiirka Soomaalia
u fadhiya Imaaraaka Carabta,iyo wiilka u sodoga u yahay madaxweyne
Silaanyo,ayaa ka mid ahayd arintii DP World ay ku doonaysay maalgelin
ku samayso dekadda Berbera,kiraysatan dekadda.,hase yeeshee ay
codsatay Soomaliland in la kala qaado labada arimood,markii lagu heshiin
waayay, lacagta lagu bixiyo Xaqul Qalinka.
 
Sida la sheegayo,iyada oo la ogyahay,in ayna Soomaliland,awood u lahayd
in ay gasho ama ay saxeexdo heshiis,sobobta  lama ictiraafsan wali,ayay
Imaaraadku ugu ballanqaadeen madaxdii hore  feederaalka ahayd inay
dhaqaale ay ku galaan tartankii doorashada madaxweynaha ee hadda u ku
guulaystay Moxamed C,Farmaajo. Ragaasi waxa ay ku kaceen khiyaano
qaran,waayo waxa ay galeen heshiis qarsoodi ah,oo xaraan ah,oo aanan
la horgeynin golaha sharci dejinta ee federaalka. Lacagahas Imaaraadku
ugu ballanqaaday ragaas qaar baa  horay loo siiyay. Sidas darteed waa in
dacwadooda laga socdsiiyo maxkamadda dawladda Feederaalka Soomaalia,
heshiiska xaraata ah ee ay la galeen Imaaraadka Carabta darteed. Haddii
aan wax laga qaban ragaas,waxaa dhici doonta in ninwaliba,heshiis xaraan ah
la galo dal shisheeye.
Qore:H.M.Warasame